Samafalka Si fiican Uga Jawaab!

0
476

Gabadh Maraykan ah oo lagu magacaabo Debbie Stepens ayaa ka codsatay gabadh shirkadda ay ka shaqaynaysay madaxada ka ahayd  oo lagu magacaabo Prussia inay usoo celiso keli ay hore ugu caawisay ka dib markii ay keliyuhu fadhiisteen.

 

Sida uu daabacay wargeyska Newyork Post ee Maraykanka gabadha Debbie Stephens oo da’deedu tahay 48 sano ayaa u gudbisay dacwadeeda gudida xuquuqda dadka ee Newyork.  Debbie ayaa gudida u sheegtay in dhaqanka gabadha madaxda u ah ee Prussia si weyn u isu bedelay tan iyo intii la geliyay kelida ay iyadu lahayd.

Waxay ahayd gabadh debecsan haddana waxay noqotay mid aan naxariis lahayn oo shar badan” Waxaan filayay  inaan shaqadan dhamaysan doono tan iyo inta aan noqonayo hawlgabka laakiin may dhicin sidaas darteed ha iisoo celiso kelidayda, mar haddii aanan noloshayda iyaduba aanay tixgelin”.

Leave a Reply