Hargeysa: Xabaalo dumay iyo magacyada marxuumiinta ku aasan

0
1783

Hargeysa(Dawan)-Qaar kamida, Xabaalaha Baqiic ee Magaalada Hargeysa qaybta cusub, ayaa waxyeello ka soo gaadhay roobabka, kaddib markii uu biyo-qabatin u sameeyey Seeska lagu xidhay.
Xabaalahan oo ay ku aasan yihiin wadar guud 2230 marxuum, isla markaana leh nidaam lagu diwaan-geliyo xogta marxuum kasta oo lagu aaso, ayaa qaarkood dumeen, kuwo kalena waxyeello culusi la soo deristay, waxaana ehelada marxuuminta ku aasan loogu baaqay in ay si dhakhso ah wax uga qabtaan.

Sidaasina waxa sheegay Sh. Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray oo kamida culimada waaweyn ee ka shaqaysa arrimaha samo-falka, si gaar ahna diyaarinta iyo daryeelka xabaalahan ugu howlan oo maanta oo Arbacada ah booqday Xabaalahaasi.

Sheikh Aadan-siiro oo halkaasi kula hadlay Warbaahinta, ayaa ka waramay sooyaalkii Xabaalahan iyo nidaamka maamul ee loo dejiyey faa’idada uu keenay, isagoo tilmaamay in kaydinta xogta dadka lagu aasaa ay muhiim u tahay dhinaca dawladda ogaanshiyaha heerka dhimashada iyo asbaabta oo ay taasi dhawaan ku baraarugtay Wasaaradda Qorsheynta Qaranku, balse ay wakhti hore bilaabeen maamulka Xabaalahani.

Sheikha ayaa dhinaca kale halkaasi ku soo bandhigay magacyada iyo tirada Xabaalaha dumay amma waxyeellada kale gaadhay, ayaa uga digay bulshada in xabaalaha loo sameeyo Sees amma xayndaab kale oo biyaha u qabta”sababta koowaad ee xabaalaha dumiyey waxa weeyaan Lebankaa Seeska loogu samaynayo oo biyihii ayuu u qabanayaa seesku markaasay xabaashu dumaysaa, kuwii aan seeskaa loo samayn biyihii way dhaafeen oo waxba may noqon.”

Sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in aanay Dawladdu wax gacan ah ka geysan ilaalinta Xabaalahan, waxaanu yidhi “Xabaalahan Dawlad hoose iyo dawlad dhexe toona waxba kuma tarto, markaa xabaalaha dumay waxaanu doonaynaa in aanu la hadalno dadkii ehelka u ahaa ee ka wakiilka ka ahaa marxuumka iyo marxuumaddaha ku aasan”.

Dhinaca kale, Sheikh Aadan ayaa halkaasi ka shaaciyey lambarada iyo magacyada marxuumiinta ku aasan Xabaalaha dhibaatadu ku timi ee eheladooda la baafinayo, kuwaasoo uu ku bilaabay;-
“Xabaalaha dumay waxa ugu horeeya Marxuum Mukhtaar Yaasiin Cali, waxa ka wakiil ahaa Xasan Axmed Diiriye lambarkeedu waa 1789. Xabaasha 2-aad waa 1831 oo uu ku aasan yahay marxuum Maxamuud Cali Faarax oo uu wakiil ka ahaa Maxamed Cabdi Aamin. xabaasha 3-aad waa 1788 marxuumku waa Cabdiraxmaan Maxamed Ciise, wakiilkuna wuxuu ahaa Ibraahim Cali Maxamed..”ayuu yidhi Sh. Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray.

Isagoo sii wada magacyada iyo tirooyinka xabaalaha dumay waxa uu intaasi raaciyey “Xabaasha 4aad waxa weeye 1774 marxuumku waa Cabdirashiid Xasan Aw Cali. Xabaasha. 5aad waa 1766 lambarkeedu, marxuumku waa maxamed Axmed Muuse. xabaasha 6-aad 1673 marxuumku waa Siwaan Cabdikariin Muxumed, wakiilku waa khadar Cabdikariin Cumar. xabaasha 7-aad waa 1717 marxuumku waa Faadumo Yusuf Axmed. Xabaasha 8-aad waxa weeye 967 marxuumkuna waa Cabdirashiid Ismaaciil Maxamed. Xabaasha 9-aad waa 920 Marxuumku waa Cismaan Guuleed Cali, markaa dhamaan xabaalahaasi si deg deg wax haloo qabto”ayuu ku soo gabagabeeyey sheikhu mar uu tirinayey xabaalaha dhibaatadu soo gaadhay ee uu daadku dumiyey.

Sh. Aadan-siiro, ayaa sidoo kale sheegay in aanay xabaalahan daryeelkooda dawladda hoose iyo dawladda dhexe toona taageero ku bixin, sidaasi darteed marka ay waxyeelo ku timaado loo baahan yahay in si iskaashi ah iyo sifo shakhsi ahba wax looga qabto, isagoo xusay in cidii wax ku tari kartaana ay ku soo shubto Telefoonada iyo buug-xisaabeedyada daryeelka xabaalahaasi oo uu soo bandhigay. “waxaan mar kale ku celinayaa waar halaga daayo Xabaalaha Seeska loo samaynayo berkedbay noqonayaan oo biyaha ayaa u fadhiisanayee”.

Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, ayaa waxa hareereheeda ku yaalla xabaalo tiro badan oo ay qaarkood wakhti dheer jireen, cid u xilsaaran daryeelkooduna aanu jirin.

Leave a Reply