Faa,iidooyinka Caafimaad Ee Xiliga Soonka

0
1800

Maadama oo aynu ku guda jirno bishii barakaysnayd ee Ramadaan waxa aynu qormada todobaadkan ku milicsan doonaa  faa,iidooyinka iyo isbedelka ku dhaca jidhka qofka sooman, Sannad walba malaayiin Muslimiin ah oo daafaha dunida ku kala nool ayaa bisha Ramadhaan sooma 30 maalmood oo xidhiidh ah qorraxdu inta aanay soobixin ila inta ay ka dhaceyso.

Sannadihii u dambeeyey waddamada qaar wuxuu Soonka bisha Ramadhaan uu ku soo beegmayaa xilliga xagaaga, in kasta oo sannadkan ay ku soo beegantahay xili guya oo rooban.

Sidoo kale Soonku waa tiirka afaraad ee shanta tiir ee Islaamka, wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan. Sharciguna wuxuu soon u yaqaannaa in marka hore la niyaysto iyadoo Alle loogu dhowaanayo, lagana tagayo oo la iska daynayo waxyaabaha Soonka burriya, inta u dhexaysa marka waagu baryo iyo marka qorraxdu dhacdo.

Hadaba haddii aynu u soo degno u jeedada qormadeena Marka la eego jidhka banii aadamka sida uu u shaqeeyo jidhkaaga xaalad soon ma galayo ilaa 8 saacadood ay ka soo wareegto xilligi kuugu dambeysay cunto.

Saacadahaasi oo loo badiyo xilliga uu jidhka dhameysanayo nafaqadi ugu dambeysay ee uu ka helay cuntadii kuugu dambeysay ee aad cuntay.

Wixii siddeedda saac ka dambeeyana wuxuu jidhkeennu billaabayaa inuu tamar ka soo qaato Bulukoosta ku keydsan beerka iyo seedaha jidhkeenna.

Tamarta bulukoosta haddeey dhammaatana wuxuu jidhka tamar ka raadsanayaa baruurta jidhkeenna ku keydsan.

Jidhka marka uu billaabo inuu baruurta ku keydsan uu gubo, waxay qofka ka cawineysaa inuu miisaankiisa dhimo, inuu dufanka jidhkiisa ku jira uu yaraado iyo inay yaraato khatarta uu macaanka ugu jiri lahaa.

Inkasta oo sokorta dhiigga ku jirta oo yaraata ay keento tabar darro iyo dhibaatooyin kale, hadana waxa laga yaabaa inaad la kulanto madax xanuun, wareer (dawakhaad), lallabbo iyo neefta aad neefsaneysid oo isbeddel uu ku yimaaddo, Waxayna inta badan arrimahasi dhacaan marka gaajada ku haysa ay aad u badan tahay.

Marka uu jidhkaagu billaabo soonka, baruurta jidhkaaga ku jirta ayaa gubaneysa waxayna isu beddeleysaa sokorta dhiigga.

Hadaba Isticmaalka dareeraha waa inaad ku dadaashaa inta aad ku jirto bisha soonka, haddii kale waxaa dhici karto inaad la kulanto fuuq bax oo ay caafimaad darro ku soo wajahdo.

Cuntooyinka aad isticmaaleysid xilliga afurka waa iney ahaadaan kuwa ay u dhan yihiin ‘cunnooyinka tamarta’ iyo xoogaa baruur ah.

  1. Cunidda Saxuurta:-Muhiimad weyn ayay leedahay saxuurta, waana wada ognahay dhammaanteen sidoo kale waa sunne in la saxuurto, balse akhriiste caafimaadkaaga ayay muhiim u tahay in aad cunto fudud cunto xilliga Saxuurta.
  2. Iska yaree dufanka: – midda kale Cuntada dufanku ku badan ayay aad u isticmaalan Dadka Soomaaliyeed, taasina waxay qeyb weyn ka tahay cuntada aadka loo isticmaalo xilliyada afurka iyo cashada, laakiinse waxaa muhiim ah ama aan soo jeedinayaa in aadan badsan dufanka xilliyada aad afureyso.
  3. talada nabiga (nnkh) :– Xadiis Saxiix ah ayuu Nabigu ku yidhi Calooshaada u qeybi 3 meelood, qeyb cunto ah, mid biyo ah iyo tan seddexaad oo ah qeyb hawo ah, taasina waxaa loola jeedaa in aad noqon qof iska dharga oo aad iska badiso Cuntada iyo Cabitaanka, kadibna aad neefsan weydo.

Sidoo kale Waxa aad u wanaagsan inaad cunto isku dheellitiran sida borotiinka, cusbada iyo biyaha. Qaybtan markaad marayso, waxd arkeysaa isbeddel wanaagsan oo ku yimaadda jidhka maadaamaa uu la qabsanayo Soonka.

Dr Razeen Mahroof, oo dhakhtar ku takhasusay dawooyinka suuxdinta iyo daryeelka caafimaadka oo ka shaqeeya Isbitaalka Addenbrooke ayaa sheegay in soonku uu faa’idooyin kale uu leeyahay. “Maalmaha caadiga ah ee soonka ka baxsan waxaan isticmaalnaa cuntooyin kala duwan oo aad u badan, taasoo ka hortageyso in jidhku uu sida ku habboon u shaqeeyo.””Balse arrimahaasi oo dhan jidhka waa uu saxayaa, wuxuuna awood u yeelanayaa inuu howl maalmeedkiisa caadiga ah uu qabsado.” “Marka soonku wuxuu jidhka ka faa’idayaa inuu ka hortago infection jidhka ku dhici lahaa.”

Shan iyo tobanka dambe ee Ramadaan wuxuu jidhka qofku si buuxda u ula qabsanayaa marxaladda soonka.

Soonka marka uu halkaasi marayo xiidmaha, beerka, kalliyaha iyo maqaarkaba waxay billaabayaan inay iska saaran sunta ku jirta oo horay ugu uruursaneyd.

Lahaanshaha

“Caafimaad ahaan soonka marka uu halkaasi marayo xubanaha jidhka oo dhan waxay u shaqeeynayaan sida u wanaagsan. Waxaana si weyn kor ugu soo kacayo xusuustaada iyo dareemahaaga marka waxaad u baahan tahay inay cunnooyin aad tamar badan ka heleysid aad qaadato.” ayuu yidhi Dr Mahroof.

“Soonka caafimaadkeenna wuu u wanaagsan yahay sababta oo ah wuxuu naga caawinayaa inaan ahmiyadda siinno waxa aan cunayno iyo xilliga aan cunayno. Si kastaba ha ahaatee, soonka sanadkii hal bil la soomaa waa uu wanaagsn yahay.

 

Leave a Reply