Golaha Wasiirada Somaliland oo ka Shiray Xaaladda Dalka

0
651

Fadhigii 58aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muqaalka, iyadoo golaha wasiirraduna shirka kaga qaybgaleen xafiisyadooda, taas oo ka mid ah talooyinka caafimaad ee xanuunka Covid-19.

Waxaana shirkaasi lagaga wada hadlay Xanuunkan dunida saameeyey ee Covid 19, xoojinta goโ€™aankii hore ee lagu joojiyey qaadka muddo kooban, sidii ay dalka u soo gaadhi lahaayeen daawooyinka iyo mucaawimooyinka Somaliland loogu talo-galay ee ay ku soo deeqayaan muwaadiniinta Somaliland ee hantida leh iyo dalalka daneeya Jamhuuriyadda Somaliland, iyo dardar gelinta hannaanka wacyigelineed ee xanuunka safmareenka ah ee Coronavirus.

Markii shirkaasi soo xidhmayna waxa faah-faahin ka bixiyey afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu sheegay in Madaxweyne ku-xigeenku uu Golaha Wasiirrada war-bixin ka siiyey dedaallada socda ee ay ku jiraan Guddiga uu Madaxda u yahay ee ka hor-tagga Covid_19.

Waxa kale oo uu Afhayeenku sheegay in Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha guduhu uu Shirka Golaha.

Leave a Reply