Qaadkii Ugu Badnaa Oo Magaaladda Laascaanood Meel Fagaare ah Lagu Gubay

0
396

Laascaanood (Dawan): Ciidamadda booliska ee gobolka Sool gaar ahaana degmadda Xudun ayaa maanta soo qabtay Qaad fara badan oo si sharci darro ah loo soo gelinayay magaalooyinka gobolkaasi.

Qaadkaasi oo cadadkiisu dhamaa 360 KG ayaa markii ay gacanta ku soo dhigeen boolisku waxaa loo soo gudbiyay dhinaca magaaladda Laascaanood, iyadoo meel fagaare ah lagu gubay markii Laascaanood la keenay.

Waxaana goob joog ka ahaa goobtii Qaadkaasi lagu gubay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale.

Guddoomiyaha degmadda Xudun, taliyaha booliska gobolka Sool gaashaanle sare Gooni, iyo taliyaha booliska ee Xudun.

Qaadkaasi waxaa watay oo lagu soo qabtay saddex nin iyo baabuur Land Cruiser ah oo ay Qaadka ku sideen.

Iyadoo maxkamad la hor gayn doono saddexda eedaysane, isla markaana baabuurka lagala wareegi doono, sidii hore loo shaaciyay.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Maxamed iyo taliyaha qaybta booliska Sool gaashaanle sare Gooni, ayaa halkii Qaadka lagu gubayay hadallo digniin ah uga jeediyay cidii isku dayda in ay Qaadka si sharci darro ah ku soo geliyaan magaalooyinka gobolka.

Halkan Ka Daawo Hadaladii Masuuliyiintaasi:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

Leave a Reply