Sebenkii Caruurta Yaxaaska La Siin Jiray!

0
675

Dhamaadkii Qarnigii 20aad Gobolka Florida ee dalka  Maraykanka waxaa aad ugu badnaa Yaxaaska iyo dadka madowga ah oo loola dhaqmi jiray sida adoomada. Waxaana taariikhdu cadaysay in sanado badan halkaasi lagu waayay boqolaal caruur ah oo ay dadka madoobi dhaleen, kuwaasi oo aan ilaa maanta ehelkoodu garnayn meel ay ku danbeeyeen.

Arintaasi ayaa xidhiidh la lahayd baalasha taariikhda xun ee basharka taasi oo ah tan ay ku dhisan tahay America ilaa wakhtigan. Dadka cadaanka ah ayaa caruurtaasi afduuba jiray waxaana ay raashin uga dhigi jireen yaxaaska.

Ilamah yar ayay xadhig ku xidhi jireen webiga dacalkiisa halkaasi oo uu Yaxaasku aad uga badnaa. Marka Yaxaasku ilmahaasi yar cuno ee uu dharko ayay iyagu haddana ugaadhsan jireen iyagoo marka ay dilaana haragiisa ka samayn jiray shandado iyo suuman.

Wargeyska The Times ayaa lagu daabacay warbixintan sanadkii 1923, iyadoo xarun ay u ahayd Florida, inkastoo masuuliyiintu dafireen arinkaasi, laakiin haddana may ahayn wax qarsooya xaqaa’iqa dhacdooyinka taariikhiga ah ee dhacay 1870 -1920 intii uu dhxayasay oo boqolaal caruur ah lagu waayay gobolkaasi.  Mid ka mid ah dadkii cadaanka ahaa ee arinkan samayn jiray ayaa isagu maalmihii noloshiisa ugu danbaysa ee uu dhimanayay cadeeyay arinkan oo yidhi “ Waxa aan arkayay qoyskayaga oo hawl galadan ugaadhsiga ee Yaxaaska u adeegsan jiray caruurta dadka madow. Taariikhada dadka cadaanka ah ee Maraykanka sidaasi ayay baalasheedu u madow yihiin u khariban yihiin, oo ay bog kasta uga buuxaan arrin naxdin leh.

 

Leave a Reply