Xoghaye Yoonis: Korantada Berbera halagu wareejiyo golaha deegaanka haddii ay..”

0
613

Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis, ayaa soo dhaweeyey horumarka dhinaca Bilicda iyo nadaafada ee magaalada Berbera, isagoo arrintaasi ku bogaadiyey golaha Deegaanka magaaladaasi.

Yoonis Axmed Yoonis oo Khamiista maanta wariyeyaasha kula hadlay magaalada Berbera, ayaa tilmaamay in ay xisbi ahaan ku hambalyeynayaan horumarka laga sameeyey magaalada isagoo si gaar ah u xusay dhinacyada nadaafada iyo waddooyinka laga sameeyey “waan ku hambalyeynaynaa markii ugu horaysay golaha deegaanka waxqabadkaa”ayuu yidhi.

Hase yeeshee , waxa uu xoghayuhu walaac weyn ka muujiyey koranto xumo soo foodsaartay magaalada todobaadyadii u dambeeyey, iyadoo lagu jiro xilli kulaylihii xeebta ah, dadkuna inta badan guryaha joogaa, maadaama cabsida cudurka Corona Virus lagu amray in ay ku negaadaan guryaha.

Waxa uu koranto xumida magaalada ku canaantay Shirkadda bixisa adeega korantada oo uu ku adkeeyey in ay bulshada siiso adeeg tayo leh, “haddii kale waa in ay ku soo wareejisaa korantada golaha deegaanka haddii ay ka soo bixi wayday adeegga ay hayso”ayuu yidhi.

Halkan ka Daawo:

Leave a Reply