Shirkadda Boeing Ee Diyaaraddaha Oo Markii Ugu Horeysay Soo Bandhigta Diyaarad Nooca Dagaalka Ah Oo Ay Samaysay.

0
515

Shirkadda Boeing ee soo saarta diyaaraddaha ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay diyaarad kuwa dagaalka ah oo ay samaysay, iyada oo hore caan ugu ahayd diyaaraddaha  shacabku isticmaalo in ay soo saarto.

Diyaaraddan ayaa shirkaddu ku wareejisay ciidamada Cirka ee Australia oo lagu magacaabo Royal Australian Air Force Loyal Wingman, iyada oo taliska ciidamada Cirka ee dalkaasi uga mahadceliyey shirkadda Boeing diyaaraddan ay soo gaadhsiisay ciidamada.

Warsaxaafadeed ay shirkadda Boeing soo saartay  oo lagu daabacay wargeyska The Telegraphy  oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan  ayaa lagu sheegay  in ay taariikh u tahay shirkadda Boeing , waxa ay sidoo kale tilmaameen in ay sharaf u tahay iyo arrin taariikhi ah wadamada Commonwealth-ka laysku yidhaahdo ama wadamada Barwaaqo Sooranka ,waxaanay shirkaddu sheegtay in ay diyaaraddan isticmaali doonaan ciidamada Sirdoonka ee wadanka Australia, gaar ahaana qaybta Ciidamada Cirka .

Diyaaraddan waxa fikirkeeda lahaa  khubarro ka tirsan ciidamada Australia ee cirka , iyaga oo u gudbiyey wasaaradda Difaaca ee dalkaasi, waxaanay wasaaradda Difaacu sheegtay  in ay maal gelin doonto diyaaraddan , iyada oo ku maalgelinaysa lacag dhan $40 Milyan oo Dollar,iyada oo diyaaraddan  loo adeegsan doono laba muhiimadood oo ah in ay sirdoon ahaan ciidamada Cirku u isticmaalaan iyo in ay ilaaliso  diyaaraddaha kale ee ciidamada xiliyada lagu jiro hawlgalada.

Ra’isal wasaaraha Kanada Scott Morrison oo isna ka hadlay  diyaaraddan, waxaanu sheegay in ay qorshahan cusub ku kordhin doonaan lacag maalgelin ah oo ay shirkaddu diyaaraddo noocan oo kale ah ugu samayso ciidamada Cirka ee Australia , waxaanay diyaaraddani noqonaysaa  mashruucii ugu horeeyey ee maalgelin ah ee shirkaddan Maraykanka ah ee Boeing ay ka qabato dibadda dalka Maraykanka.

Leave a Reply