Nolosha Adag Waxay Soo Jiiday Dhaqaale Badan

0
620

Magaalada Salekhard ee ku taalla dalka Ruushka ayaa noqotay magaalo dunida inteeda kale ka duwan iyadoo ay taasi ugu wacan tahay goobta ay Joqoraafi ahaan ku taallo iyo caadooyinka iyo dhaqanada dadka degan.

 

Magaalada Salehard waxay ay ku taalla loolka 66 ee waqooyi. Waxa magaaladan la asaasay sanadkii 1595, iyadoo ahayd qalcadii kooxdii Cossack oo ahayd bulsho mad-habta Orthodox ee Kiristaanka aaminsanayd halkaasina xukumi jirtay. Magaaladan waxa wakhtigan ku nool dad gaadhaya 49214 qof  waana qiyaas tiro koob oo laga qaaday sanadkii 2018. Magaaladan ayaa ah magaalo baraflay ah, heerkulka magaaladan ayaa gaadha -29, dadkuna si joogto oo yaab leh ayay ugu dhex nool yihiin dhulkaasi baraf layda ah. Waxay ka dhisteen guryo qurux badan , waxay leedahay suuqyo ganacsi, dugsiyo iyo dhamaan kaabayaasha nolosha oo dhan.

 

Magaaladan Salekhard oo dadka dalxiisayaashu aad u jecel yihiin ayaa dhaqaale badan ka hesha, iyagoo aad ula yaab qaabka ay dadkani ugu nool yihiin magaaladan wakhtiga intiisa badan barafka ah. Salekhard waa xarunta gobolka Yamalo-Nenets ee dalkaasi. Inkasta oo nolosha baraf tahay haddana dhaqaalaha magaalada waxa qayb weyn ka qaatay dalxiiska aan kala joogsi lahayn ee booqnaya.

Leave a Reply