Akhri — Nuxurka War-murtiyeed ka soo baxay urrurka Dhakhaatiirta Somaliland

0
680

Hargeysa (Dawan) War-murtiyeed goor dhaweyd ay soo saareen urrurka dhakhaatiirta Somalilan, oo nugul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka mareegta Dawan waxaa uu u dhigna sidan :—-

Ururka dhakhaatiirta Somaliland waxay bulshada u cadaynayan in ay tahay warbeen abuur ah in aan lugu kalsoonaan kareyn shaybaadhka PCR ee dalkeena.

Ururku waxa uu dhaleecaynayaa in shaqsiyaad aan ahayn mihnada dhakhtarnimo iska sheegato isla markaana bulshada la hadlo.

Ururku wuxuu bulshada la socodsiinayaa in ay socoto dabagalka arrintan bulshadana dib kala wadaagi doonto wixii ka soo baxa

Ururka dhakhaatiirta Somaliland wuxuu hambalyeynayaa talaabada ruqsada lagala noqday liisanka xaruntaa .

Ururku wuxuu ugu dambeyn u soo jeedinayaa in hayadaha sharcigu ka qaadaan talaabooyinkii ku haboonaa,  hay’ddaha warbaahinta waxaanu u soo jeedinaynaa in aanay soo gudbin warbixino khatar gelin kara caafimaadka bulshada.

ALAA MAHAD LEH
Gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland
Dr maxamed

Leave a Reply