Shirkadda Kalashnikov Oo Soo Saari Doonta Mooto Nooceedu Cusub Yahay.

0
691

Shirkadda Caanka ku ah soo saarista Hubka ee Kalashnikov ayaa markii ugu horeysay loo ogolaaday in ay soo saarto Mooto nooceedu cusub yahay oo ay u samayn doonto qaab ka duwan qaababka Mootooyinka waqtigan la isticmaalo .

Shirkadda ayaa soo saaraysa Mootadan oo lagu magacaabo Eggsolar oo noqon doonta mid ay ku rakiban yihiin gebi ahaanba qalabkeeda kala duwan ee lagu hagaajinayaa, waxa kale oo ku rakiban taagni dheeri ah oo ay ku qaadan karto biyaha ama Shidaalka hadba waxay u baahan tahay.

Qaybo kamid ah habka samays ee Mootadan ayaa lagu soo bandhigay  Macradka lagu magacaabo  Izhevsk Fireworks oo ku yaala caasimadda dalka Udmurtia oo kamdi ah Jamhuuriyadda Ruushka , waxaana loo sameeyey Mootadan hab sida gawaadhida ciidamada oo kale ah.

Mootadan Pulsar ayaa awood u leh in ay socoto masaafo dhan 150 Km iyada oo aan wax dab ah qaadanayn, waxaana saaran Beytari ah 15 Kw, iyadda oo ku shaqaynaysa laydh ama tamarta cad ceeda.

Sida lagu sheegay warbixin lagu qoray Russia Today telefishanka lagu magacaabo Mootadan ayaa la joojiyey samaynteeda sannadkii 2016-kii, iyadda oo isla sannadkana loo ogolaaday shirkaddaasi inay samaysan karto Mootadan , kadib markii wax badan laga bedelay.

Ciidamada wadankasi Ruushka ayaa noqon doona kuwa ugu horeeya ee adeegsan doona ama Isticmaali doona  Mootadan, waxaanay la wareegi doonaan marka ay tijaabooyinka kala duwan marto dhowaan.

Leave a Reply