Waxay Ku Yimaadeen JacaylKa Ay Qabaan Dahabka

0
829

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay subaxnimadii hore Isniinta bishan Jun 11, 2018, wakhti kuleylka cadceeddu uu aad u sareeyo oo weliba maalin Ramadaana ay tahay. Dadka waxay ka soo kalaheen daafaha dacalada kala durugsan ee gobolka Boulemane ee dalka Moroco, si ay uga qeyb galaan, khasnado dahab ah oo dhulka hoostiisa ku aasan oo lala soo baxayo.

Qisadan waxa bilaabay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo “Xussein”  oo dadka deegaankiisa uu u sheegay in sheekh uu riyo ugu yimid isla markaana ku wargeliyay goob ay ku aasan tahay khasnado dahab ah oo sida buuro oo kale ah. Waxaana uu tilmaamay in mar kasta uu u yimaaddo makhluuq qof isku shabahay oo u tilmaamaya dahabka la helayo, waxa uu dadkii u sheegay in maalinta dahabkaa la helayo ay ku beegan tahay 26 Ramadaan.

Dad badan ayaa rumaystay qisada wiilkan dhalinyarada ah oo sida la sheegay lagu yaqaannay run sheeg iyo degenaan iyo inuu ahaa qof wanaagsan, dadkii way soo diyaar garoobeen iyagoo kumanaan qof ah, qof kastaa waxa uu soo qaatay aqoonsigiisa gaar ah si marka dahabkaa la helo aanuu qeybtiisa muran u gelin, waxaa laga yimid deegaanno kala duwan iyo meelo aad u kala fog oo dalka Morocco ka tirsan, qaarkood gaadiid ayay wateen, kuwo kalena waxay yimaadenn  lug.

Maalintii ay ballantu ahayd ee subaxnimada oo ahayd maalin Isniin ah ayaa dadkii wakhti hore is xaadiriyeen, waxaana la isku raacay halkii lagu ballansaan, waxaase dadkii ay la kulmeen lama filaan. Markii uu dadkii dhowr kiiloomitir lugaysiiyay oo meeshii lagu ballansaa la gaadhay, ayaa waxa uu la soo baxay warqado. Waxaana uu bilaabay inuu khudbad akhriyo muddo 25 daqiiqo isagoo casharo  diini ah oo Allah ka cabsi u badnaa akhriyay, daqiiqad keliya ma soo hadal qaadin wax dahab ah oo ku aasan, taasi oo ah arinka dadku isugu yimaadeen.

Dadka waxa uu ku adkeeyay inay ilaashadaan calankood iyo astaanta qaranimadooda oo uu isagu markaasi huwanaa.

Bulshada Morco iyo caalamka  ayaa waxay aad u hadal-hayaan sida wiil dhalinyaro ah oo iska caadi ah ay ugu suuro gashay inuu khiyaameeyo kumanaan qof oo aaminay in waxa uu sheegayaa ay run yihiin. iyadoo la tilmaamay in markii dambe ay boolisku xidhaan wiilkii dhalinyarada ahaa ee Kumaananka qof khiyaamay.  (arabicpost.net)

 

Leave a Reply