Dahabshiil Group oo Deeqo kala Duwan ku wareejisay Guddida Covid-19

0
516

Hargeysa (Dawan) Guddida heer Qaran ee ka hortaga xannuunka Covid-19, ayaa maanta shirkada Dahabshiil Group kala wareegtay Qalab qiime ahaan ah $600.000 (Lix Boqol oo kun oo doollar)

Qalabkaasi oo isgu jira mishiinada shaybaadhka xannuunka Covid-19, mashiinada naqaska dadka ka soo saara (Oxygen ) iyo saddex oo gaadiidka gurmadka deg degga ah ee loo yaqaan (Ambulance)

$200.000 (Laba Boqol oo kun oo doollar) loogu talo galay in la siiyo 40.000 oo qoys oo reer Somaliland, waxaanay shirkadu ballan qaaday inaanay noqon doonin tii u danbaysay.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa shirkada Dahabshiil Group uga mahad celiyey qaadhaanka wax ku ool-ka ah ee ay soo gaadhsiiyeen guddida heer Qaran.

Leave a Reply