Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Isaa’iil oo isagoo meyd ah la Helay

0
488

Safiirkii Shiinaha ee Israa’iil, Du Wei, ayaa laga heley aga-gaarka gurigiisa isaga oo meyd ah, sida ay ku warrameyso Warbaahinta Israa’iil.

Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Isaa’iil oo isagoo meyd ah laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida ay soo werisay warbaahinta Israa’iil.

Mr Du, oo 58 sano jir ah ayaa waxaa meydkiisa laga helay sariirtiisa ilaa haatana lama oga sababta ka dambeysa dhimashadiisa.

Waxa dalkaasi loo magacaabay bishii Febraayo ee sannadkan, waxa uu horay Shiinaha ugu fadhin jiray Ukraine.

Safiirka waxa uu ahaa xaasle, waxa uuna dhalay wiil keliya.

Dowladdaha Isra’il iyo Shiinaha wax faahfaahin dheeraad ah kamay soo saarin
oo la xidhiidha dhimashada Safiirkaan.

Leave a Reply