Dawlada Hoose Hargeysa oo 500 Haamaaha Naqaska ah ugu Deeqday Cisbitaalka Guud

0
1299

Hargeysa (Dawan) Dawlada Hoose Hargeysa ayaa xuska maalinta Qaran ee 18-ka May, kaga qayb qaadatay in ay 500 oo Haamaha Naqaska ee ‘Oxygen-ka’ ku wareejiso cisitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Waxaa sidan waraabinta u sheegay duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).

Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo arrintaas si faahfaahsan iga hadlaya wuxuu yidhi “Maanta in aynu caafimaad hello, waa in hawlo badan oo kharash ku bixi jiray wax walba laga horeysiiyo, haday tahay wadòoyinka oo bilicdooda laga shaqeeyo.

Waxaanu garaney maanta in shayga ugu baahida badan leh, ee cisbitaalka iyo halka lagu karantiilo dadka qaba xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, in aanu 500 oo haamood oo kuwa naqaska ah ee (Oxygen) ah aanu kaga qayb qaado, oo aanu kuwareejino cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, kaas oo ah kharashkii ku bixi jiray xuska 18-ka May, iyada oo aynu niyad kuwada dabaal degayno oo qof waliba gurigiisa ku xusayo”

Leave a Reply