Maamulka Degmooyinka Salaxley, Bali-Mataan Iyo Ururka Gaaroodi oo Booqday Kaamamka Dadka Barokaceyaasha Ah ee Degmooyinkaa

0
645

Salaxley (Dawan) Guddoomiyeyaasha degmooyinka Salaxley iyo Bali Mataan oo ay weheliyaan xubno kamid ah masuuliyiinta urrurka horumarinta arrimaha bulshada ee Gaaroodi ayaa kormeer ay ugu kuur gelayaan xaaladda dhabta ah ee dadka Barakacayaasha ee ku sugan Kaamamka Sallaxley iyo Balli-mataan.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Sallaxley iyo Balli-mataan Ismaaciil Yuusuf Xuseen Shiine iyo Cabdinaasir Muxumed Jaamac, oo koormeerkaas ku tegay degaamadaasi ayaa ka warbixiyay xaaladda dadka barokacayaasha ah ee degmooyinkaas ku sugan, waxaanay sheegeen in dadkaasi u baahan yihiin Hoy ay galaan, Suuliyo iyo Raashin ay quutaan, madaama xoolihii ay ku noolaayeen ka dhammaadeen 4 sanno ka hor.

Bulshada barokacayaasha ah ee degan Kaamamka degmooyinka Sallaxley iyo Balli-mataan oo ay xoolihii kaga baxeen abaarahii adkaa ee dalka ka dhacay sannadihii la soo dhaafay, ayaa ka dayriyey xaaladooda nololeed, iyaga oo sheegay inay u baahan yihiin in gar-gaar lala soo gaadho.

Khadar Mawliid Cali (Abu Bushra) oo kamid ah masuuliyiinta Ururka Gaaroodi kormeerkan ku wehelinaayey guddoomiyeyaasha Degmooyinka Salaxley iyo Balimataan oo ka warbixiyey ujeedada socdaalkoodan, ayaa tilmaamay in ujeedada safarkoodu ahayd, sidii dadkaas looga war hayn lahaa, waxaanu ku baaqay in dadkaasi lala soo gaadho gargaar deg deg ah, madaama lagu jirro xilli adag oo dunnida uu saameeyay xannuunka Covid-19.

Leave a Reply