Hay’adda Baytul-ixsaan Oo Dharkii Ciidda Ku Wareejisay Xarunta Agoomaha Hargaysa

0
488

Hargaysa (Dawan): Hay’adda Baytul-ixsaan foundation ayaa maanta Dhar iyo Kabbo loogu tallo galay in ay ku  Ciidaan ku wareejisay maamulka xarunta Agoomaha ee magaaladda Hargaysa.

Dharkaasi oo ay soo bixiyeen ama soo direen dad Soomaaliyeed oo degan magaaladda Shaariqa ee dalka Sucuudiga, isla markaana ay u soo wakiisheen hay’adda Baytul-ixsaan foundation.

Waxaana Dharkaasi kala wareegay  wakiilka hay’adda Baytul-ixsaan agaasimaha xarunta Agoomaha Hargaysa Saxardiid Maxamed.

Agaasimaha xarunta Agoomaha Hargaysa Saxardiid Muxumad, oo uga mahad celiyay hay’adda Baytul-ixsaan kaalmadan Dharka ah  ee ay soo gaadhsiisay.

“Waan u mahad celinaynaa guddoomiyaha Baytul-ixsaan wakiilkeedda Mukhtaar,  oo Dharkan na soo gaadhsiiyay. Aad iyo aad ayaan hay’adda Baytul-ixsaan ugu mahad naqaynaa.

Mana aha markii u horaysay ee ay xarunta Agoomaha Hargaysa caawimo soo gaadhsiiyaan” ayuu yidhi agaasimaha xarunta Agoomaha Hargaysa Saxardiid Maxamed.

Mukhtaar Cismaan Sheekh Xasan, oo ah guddoomiyaha hay’adda Hay’adda Baytul-ixsaan foundation ayaa faahfaahin ka bixiyay Dharkan ay ku wareejiyeen xarunta Agoomaha Hargaysa iyo cida soo dirtay.

Waxaanu yidhi, “Waxaan maanta xarunta Agoomaha ee Hargaysa ku wareejinay, Dhar loogu tallo galay carruurta Agoomaha ah in ay ku Ciidaan, ciidul-fidrigga.

Dharkaasi oo ay soo direen ama naga soo gaadhay walaalaheena reer Shaariqa. Waana wax aad loogu farxo”.

Geesta kale Mukhtaar Cismaan, waxa uu tilmaamay in aanay caawimadani ahayn tii u horaysay oo ay soo gadhsiiyaan xarunta Agoomaha Hargaysa, balse ay dhawr jeer oo  hore caawimooyin ku wareejiyeen.

“Caawimadani ma aha markii u horaysay oo aanu soo gaadhsiino xarunta Agoomaha Hargaysa, dhawr jeer oo hore-na gaadhsiinay caawimooyin kala duwan.  Mana noqon doono mid markan oo keliya ku eg” ayuu yidhi Mukhtaar Sheekh Cismaan.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply