Magaalo Qof Keliya Ku Nool Yahay

0
666

Weligaa ma sawirtay inaad keligaa ku noolaan karto magaalo dhan, iyadoo aanay jirin habayarate qof kale oo wehel ku noqda?

Magaalada lagu magacaabo Monowi ee dalk Maraykanka waxa ku noolayd islaan 77 sano jirtay oo keliya sanadkii 2010 waxaana lagu magacaaba Elsie Eiler,  qofka keliya ee  kula noolaa waxa uu ahaa odaygeeda laakiin isagu waxa uu dhintay sanadkii 2004.

Magaaladan waxa ay dadkii degenaa ugu guureen iyagoo aad u nacay cilmilada magaalada , iyadoo dadkii ugu danbeeyay ay  ka guureen 2002. Lamaanahan ayaa iyagu diiday inay ka guuraan magaalada.  Islaanta ayaa magaalada ka ahayd Mayar, booliis iyo dhamaan wixii looga baahdo magaalo dhisan.  Magalaada Monowi waxa uu macno ahaan yahay Ubax, madaama uu magaalada ka baxay ubax badan oo qurux badan.

Magaalo iyaduna ku taalla dalka Kanada webiga Jord dhinciisa, ayaa ah mid aad u qurux badan, oo leh dhul xeebeed dalxiiska ku fiican. Magaaladan dadkii degenaa dhamaantood way iskaga guureen iyagoo dhismayaashii quruxda badna ay cidlo noqdeen.

Magaaladan quruxda badan waxa ku noolaa sanadkii 2017, oday keliya oo 72 sano jiray oo lagu magacaabo Hughes Byte, odaygan ayaa qoyskiisa ka diiday inuu isagu ka guuro magaaladan. Waxaana uu sheegay inuu maalinba guriga uu doono iska dego oo uu iskaga noolaado iyado. Dadkii magaaladan degena ay u guureen magaalooyin kale ka dib markii uu batay dhul gariirku kaasi oo keenay inay magaaldu burburto isla markaana fataahado ka dhacaan.

 

Leave a Reply