Anigu Guurkan Diyaar Uma Ahi Aqbalkiisa!

0
639

Booliska degmada Saahibabad ee dalka Hinidya ayaa aad ula yaabay markii hooyo dacwad u timid saldhiga booliiska. Hooyadan ayaa ka cabaneysay in wiilkeeda oo ay dirtay suuqa si uu uga soo iibiyo raashinkii ay cuni lahaayeen madaama lagu jiro wakhtiga la joojiya isu socodka, laakiin uu kula soo noqday isagoo wata gabadh uu sheegay inay tahay xaaskiisa.

Hooyadana ayaa tidhi :” Waxaan u diray raashin iyokhudaar, laakiin gabadh ayy iila yimi, aniguna diyaar uma ihi inaan aqbalo guurkan” .

Wiilkeeda oo la weydiiyay arinka wax ka jirna waxax uu ku jawaabay inuu gabadha guursday laba bilood ka hor oo wakhtigaasi oo aanu cudurku sidan u faafin waxaana ay degenaayeen hutel, laakiin imika ay ka soo bexeen huteelkii ka dib markii amrtay in la xidho huteelada. Sidaa darteed waxaan goostay inya hooyaday u keeno.

Markii hooyadu go’aankeeda ku adkaysatay Booliiska ayaa siiyay goob ay sii degenadaan mudada lagu jiro bandooga, ama ay hooyadu go’aankeeda adag bedelayso. (newindianexpress.com)

Leave a Reply