Wasakhowga Hawada Dalka Shiinaha Oo Ku Noqotay Halkii Ay Taagnayd 2019-kii.

0
693

Daraasad cusub oo ay samaysay xarunta cilmibaadhista Tamarta iyo  Diiqawga Hawada ee dalka Shiinaha ee loo soo gaabiyo CREA  oo natiijadda cilmibaadhistaas soo bandhigtay ayaa sheegtay in waqtigan Wasakhowga Hawada Shiinuhu  uu gaadhey halkii ugu saraysay, isaga oo muddo yar oo kooban kor ugu kacay.

Wasakhowga Hawada oo hoos u dhacay intii lagu jiray xaaladda xanuunka COVID-19 ayaa waqtigan u muuqda mid dib usoo laba kacleeyey,waxaanu ku noqday halkii uu maraayey sannadkii 2019-kii, sida ay khubarradani sheegeen , waxaanay ku sababeeyeen shaqada warshadaha Shiinaha oo dib loo bilaabay.

Khubarradan ayaa tilmaamay in  ay hawada galeen  NO2 ( Nitrogen Dioxide,SO2 iyo  sumo kale oo Kimiko ahi, kuwaas oo kor u qaaday wasakhowga Hawada, khatarna ku keeni kara Ozone layer-ka sare .

Khubarradan oo warbixin ku qoray wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in uu Wasakhowga Hawadu uu hoos udhacay tan iyo bishii March ee sannadkan, xiligaas oo wadanka Shiinaha uu ka bilawday Bandowga uu keenay xanuunka Corona Virus, waxaana weli  xadiga Wasakhowga hawadoodu hooseeyaa magaalooyinka Beijing iyo Shanghai .

Khubarrada daraasadan sameeyey ayaa sheegay in arrintani ay keenayso in dawladda Shiinuhu ay dhaleecayn weyn kala kulanto calaamka, isla markaana waxa ay tilmaantay in loo baahan yahay in dhaqaale badan la geliyo sidii meesha looga saari lahaa dhibaatadda wasakhowga Hawadu keenaayo, iyada oo dhaqaalaha wadankaasi hoos u dhacay tan iyo intii uu xanuunka COVID-19  ka dilaacay wadankaasi .

 

Leave a Reply