Khubarro Ka Tirsan Jaamacada Kentucky Oo Soo Saaraaya Weji Xidh Dilaaya Fayraska Koronaha Marka Uu Wejiga Qofka Soo Gaadho.

0
744

Saynisyahano ka tirsan jaamacadda Kentucky University  ayaa wada qorshe ay ku samaynayaa weji xidh  ay sheegeen in uu dilaayo Fayraska Korona Marka uu wejiga qofka soo gaadho ,waxaana samaynta Weji xidhkan qandaraaskiisa qaatay Injineero uu hogaaminaayo Injineer lagu magacaabo Professor Dipakra Patacharya .

Weji Xidhkan ayay khubarradani ka samayn doonaan maro lagu sameeyey  dheecaano sun ah oo si fudud u dilaaya Fayraskan, isla markaana aan waxba yelayn qofka xidhan , waxaanu tilmaamay Professor Patacharia in ay awoodaan in ay soo saaraan, isla markaana sameeyaan  Mask ama afxidh awood u leh in uu si fudud u dilo Fayraskaas , kana duwan ka waqtigan la isticmaalo.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay Professor Patacharia oo u waramaayey wargeyska The Mirror oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan in  si qunyar qunyar ah u samaynayaan qalabkan, iyaga oo aad uga taxadiraaya, madaama oo ay ka ilaalinayaan nafaha Bani’aadamkana in uu waxyeelo u geysto, waxaanu intaas ku daray in ay ka dhigi doonaan Afxidhkan mid  loo isticmaali karo xanuunada kale oo dhan mustaqbalka.

Afxidhkan ayaa ka samaysnaan doona dheecaano si fudud u kala jejebin kara  waxyaalaha Proteins-ka ah ee uu ka samaysan yahay xuubka sare ee Fayraskani, kaas oo u sahlaaya in uu si fudud isu bed bedelo.

Professorka samaynaaya qalabkan ayaa rajaynaaya in ay  ilaa lix bilood qaadan doonto samaynta , dhamaystirka iyo tijaabinta qalabkan afka lagu xidhanayaa.

 

 

 

Leave a Reply