Qiso: Sidee Hadafka Loo Xaqiijiyaa

0
799

Suldan Najma Diin Ayuubi waxa uu ahaa aabaha dhalay Mujaahidkii Saalaxa Diin Al-Ayuubi hogaamiyihii muslimiinta ee Qudus ka xoreeyay Saliibiyiinta xukumayay. Maalin isagoo dhalinyaro la ciyaaraya Saalaxa Diin ayaa Aabihii u yeedhay oo gacanta qabtay waxaana u uku yidhi weedhan :“ Aabo, hooyada inaad caruurta la ciyaarto uma aanan guursan, waxaan u guursaaday inay dhasho wiil Qudus xoreeya”.

 

Ka dib dhulka ayuu ku tuuray markaasi ayuu dhacay Saalax Diin. Aabihii ayaa ku yidhi “ Miyaanad xanuunsan markaan dhulka kugu tuuray?”. Waxaana uu ku jawaabay mayee waan xanuunsaday”. Aabihii ayuu ku yidhi: “ Oo hadda maxaad u qaylin weyday oo aad u muujin weyday xanuunka?”.

Waxaana uu u ku jawaabay Saalaxa diin: “ Ninka laga rabo inuu xoreeyo Qudus maaha waxaan dhib badan lahayn inuu ka qayliyo”. Maalintaasi ayuu niyaddda geliyay inuu xoreeyo Qudus, markii aabihii hamigaasi ku dhaliyay. Allah (sw) waa uga dhabeeyay inuu ka xoreeyo Qudus Kiristaankii haystay. Ubadkaaga yaryay hami weyn ku abuur.

(Kitaabka Rawaa’ic Mina Taariikhul  Islaam )

Leave a Reply