Duqa Caasimada Hargeysa oo ku Dhawaaqay War Farax-leh

0
620

Hargeysa (Dawan) Duqa Caasimada Hargeysa, mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay in dawlad Hoose ahaan ay soo iibin doonaan Mashiin labaad iyagoo kaashanaya wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland iyo hay’adda WHO.

Waxaa uu sheegay in baahi weyn loo qabo soo iibinta mushiinkan labaad, isaga oo ku sifeeyay in boqolkiiba afartan ay bulshaweynta reer Somaliland ku nool yihiin magaalada Hargeysa.

Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaanu go’aansanay Dawladda Hoose Hargeysa ahaan, anaga oo kaashanayna wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo WHO, in aanu soo iibino mashiin labaad kaas oo lagu sameyndoono baadhitaanka xannuunka safmareenka ee Covid-19, maada bulshaweynta reer Somaliland ay caasimada ku nool yihiin 40%”

Leave a Reply