Karaash oo Sharci Darro ku Tilmaamay wasiirada cusub ee Deni Magacaabay

0
584

Garoowe (Dawan) Wareegto uu soo saaray madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ” Karaash” ayuu ku sheegay in aan lagala tashan wasiirada iyo wasiiro ku-xigeenada cusub ee uu magacabay iyo kuwa uu xilka ka qaaday madaxweynaha Puntland Siciid cabdullaahi Deni

“Waxaan caddaynayaa in la tashiga lagu xusay wareegtadaas uu yahay waxba kama jiraan, kana hor imaanayso dastuurka qodobkiisa 80aad, farqadiisa 5aad iyo qodobkiisa 81aad farqadiisa 2aad”Ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Puntland

Sidoo kale waxaa uu sheegay in in wareegtada madaxweynuhu xilalka ku magacaabay ay baalmarasan tahay dastuurka Puntland

”Xeer, xeer hoosaad iyo wareegta kasta ee fulineed oo ka soo horjeeda shareecada Islaamka iyo dastuurka Puntland waa waxbana kama jiraan”

Leave a Reply