Xaysimo: Xukuumadda oo dhisme cusub u dhistay xarunta caafimaadka D. Sarmaanyo oo ku shaqayn jirtay guri kiro

0
607

“xaruntan wakhti koobanbay dhisnayd iminkana waxaan dhigaynaa agab caafimaad..”Isuduwe Khaliif
Qore. Saleeban Kalshaale
Sarmaanyo(Dawan)-Xukuumadda Somaliland ayaa xarun caafimaad oo cusub ka dhistay degmada Sarmaanyo oo ka tirsan Gobolka Xaysimo, taasoo xadhiga laga jaray, lana gaadhsiiyey qalab caafimaad iyo daawooyin bulshada loogu adeeggo.
Isuduwaha Wasaaradda Caafimadka Gobolka Sool iyo Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo oo ay weheliyaan saraakiil kale, ayaa xadhiga ka jaray dhismaha xarunta caafimaad ee ay hirgelisay xukuumaddu.
Adeegyada caafimaadka ee Degmada Sarmaanyo, ayaa waxa hore loogu qaban jiray dhisme Dad shacab ah leeyihiin oo Kiro ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta iyo xubno kamida waxgaradka deegaanka oo ka hadlay munaasibada lagu daah-furay dhismaha xarunta cusub.
Xubno kamid waxgaradka degmada Sarmaanyo oo ka hadlay xaflada, ayaa dawladda uga mahad-celiyey hirgelinta mashruucan, waxaanay tilmaameen in baahi badan loo qabay xarunta hooyada iyo Dhalaanka ee degmada.
Waxa ay intaasi ku dareen in degmada Sarmaanyo iyo guud ahaan gobolka Xaysimo aad uga fog yihiin magaalooyinka waaweyn ee dalka ee laga heli karo adeegyada caafimaad ee dhamayska tiran oo aan ka jirin gobolka, sidaasoo ay tahayna degmada Sarmaanyo uga sii xag-jirtay la’aanta xarun caafimaad oo loogu adeego Hooyada iyo Dhalaanka, iyagoo xusay in dawladda looga baahan yahay in ay halkaasi ka sii wado horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee Degmada “Dawladda Somaliland waxaan leenahay ha guulaysato, waxaan leenahay waa intaasoo looga sii dhawaado waxqabadku”ayuu yidhi mid kamida Odayaasha munaasibada ka hadlay.
Madaxa adeegyada caafimaadka ee degmada Taleex oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa mahad-naq u jeediyey Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Sool iyo maamulka gobolka Xaysimo oo uu ku bogaadiyey hirgelinta xaruntan Caafimaad iyo qalabaynteeda, waxaanu tilmaamay in Hooyooyinka Uurka leh ee fooshu ku xumaato iyo bukaanka ay xaaladaha caafimaada ee culus ku dhacaan ay dhexda ku dhintaan inta lagu sii wado magaalooyinka waaweyn.
Isuduwaha Wasaaradda horumarinta caafimaadka gobolka Sool, Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif oo hogaminayey saraakiil xafiiskiisa ka tirsan oo qayb ka ahaa mashruucan, ayaa sheegay in ay Wasaaraddiisa iyo laamaha kale ee xukuumadda ee heer gobol iyo heer qaran dedaal badan u galeen hirgelinta xaruntan Hooyada iyo Dhalaanka ee Degmada Sarmaanyo, isaga oo xusay in la qiimeeyey baahida ka jirtay.
“xarunta caafimadka Sarmaanyo waxay kiro ku soo jirtay wakhti dheer, wasaaradda caafimaadka iyo dhamaan dawladdu waxay dedaal badan ka galeen in degmada Sarmaanyo ay hesho xarun caafimaad.”..”xaruntan wakhti koobanbay dhisnayd iminkana waxaan dhigaynaa agab caafimaad”ayuu raaciyey isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka gobolka Sool Dr. Khaliif oo tilmaamay in shacabka deegaamada Gobolka Xaysimo aad loogu wacyi-geliyey ka-hortagga cudurka Corona Virus.
Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Xiir, ayaa isna dhankiisa sheegay in ay mashaariic tiro badan oo laga hirgeliyey gobolkiisu ay ku yimaadeen talada madaxweyne Muuse Biixi iyo siyaasadda xukuumaddiisa, intaasi raaciyey “Shaqaalaha caafimaadku waxay ku shaqaynayeen goob kiro ah, iyadoo laga yaabo in ay ku shaqaynayeen mutadawacnimo oo aanay jirin cid ka caawinaysay xagga dhaqaalaha, iyagoo haddana aad noola shaqaynayey in la helo goob dawladdu leedahay oo dadka loogu shaqeeyo”.
Guddoomiyuhu waxa uu mahad-naq u jeediyey Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisa. “waxaan aad ugu mahad-naqayaa xukuumadda JSL oo uu ugu horeeyo madaxweynaha oo ay taladiisii iyo siyaasaddiisa ay qayb ka yihiin mashaariicda ka hirgashay gobolka Xaysimo”.
Horaantii sanadkan ayey ahayd markii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta mashaariic tiro badan uu kamid tahay xaruntani ka dhagax-dhigay degmooyin ka tirsan Gobolka Xaysimo .

Leave a Reply