Safiirka Jabuuti U Fadhiya Hargaysa Oo Hanbalyeeyay Shacabka iyo Xukuumadiisa Munaasibadda Ciidul-fidriga

0
455

Hargaysa (Dawan): Safiirka dawladda jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya magaaladda Hargaysa ee  Somaliland ayaa dhambaal hanbalyo ah u diray xukuumadda iyo shacabka jamhuuriyadda Jabuuti, munaasibadda ciidul-fidriga awgeed.

Iyadoo jamhuuriyadda Jabuuti ay ka mid tahay wadamadda islaamka ee maanta Axad ah laga ciiday, inkastoo dalal kaloo badan oo islaam ah Sabtidii shalay la ciiday.

Danjire Xuseen Cumar Kawaaliye, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa guud ahaanba xukuumadda iyo shacabka jamhuuriyadda Jabuuti ugu hanbalyeeyay dabaal-dega munaasibadda ciidda.

Qaybaha kala duwan ee ciidamadda dalka jamhuuriyadda Jabuuti, iyo guddiga la dagaalanka faafitaanka caabuqa Coronavirus oo uu ku amaanay sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen xakamaynta xanuunkaasi.

 

Daawo: Danjire Kawaaliye Oo Hanbalyadaasi Diraya:

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply