“Aniga iyo madaxweyne Biixi xidhiidhkayagu aad buu u wanaagsan yahay marnaba ismuu bedelin”….

0
457

 

Hargaysa (Dawan): Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumaddii Siilaanyo Cismaan Saxardiid Cadaani, ayaa sheegay in maalintii lagu dhawaaqay gooni isu-taaga somaliland ilaa maanta ay mar walba dhacaan dagaal beeleedyadu.

Hase yeeshee Somaliland ay maanta marayso meel aad u wanaagsan marka la bar-bar dhigo marxaladihii la soo maray ee laga soo gudbay. Inkastoo ay jiraan baa uu yidhi waxyaabo weli dhiman oo u baahan in wax laga qabto.

Cismaan Saxardiid Cadaani, oo isagoo ku sugan dalka Maraykanka u waramay telefishan SAAB, ayaa waraysigiisa kaga hadlay dagaal beeleedyadda soo noq-noqday gaar ahaana kuwa ka dhaca bariga Somaliland.

Hankiisa hanashadda hogaanka xisbiga KULMIYE, xidhiidhka shakhsi ahaaneed  ee   ka dhexeeya isaga iyo madaxweyne Muuse Biixi iyo arrimo kale.

Isagoo ka hadlayay xaaladda Somaliland ee hadda, waxa uu yidhi, “Qaranka jamhuuriyadda Somaliland waxa uu marayaa meel ILLAAHAY SWT loogu mahadiyo.

Wax inaga dhimani-na way jiraan. Wax kasta oo maalin wada dhamaadaa-na ma jiraan. Wax aynu ku faanno oo wanaagsan, oo aynu gaadhnay-na way jiraan. Halkii aynu ka nimid sanadkii 1919-kii iyo maanta halkaynu marayno, aad ayay u kala duwan yihii”.

“Runta haddii laga wadlo, ilaa maalintii aynu dalka soo galnay, ee xukunka loo dhiibay C/raxmaan Axmed Cali (madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland) ilaa maanta, waynu isku Meeraysanaynay, oo dagaal beeleedyadani way jireen, wax cusub-na ma aha.

Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland-na, marxalado kuwan ka adag, oo ka xun ayuu ka soo gudbay. Waxaanan qabaa shacabka jamhuuriyadda Somaliland meel kastoo ay joogaan, beelaha maanta is-haya, ee lagu kala dhex jiro, ee ergadda iyo wasiirradu ay ku maqan yihiin in ay dantoodda garan doonaan, oo Aayahoodda iyo qaran-nimadoodda ka fekeri doonaan.

Markaa waxaan qabaa, oo aan aad iyo aad ugu han-weynahay, labadda beeloodba waan garanayaa, waa dad walaallo ah oo meel ku wada dhashay” ayuu yidhi wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadii Axmed Siilaanyo.

Sababta ay u soo noq-noqdaan dagaal beeleedyadda ka dhaca goboladda bariga Somaliland oo marar badan dedaalo lagu dhex-dhexaadinayo la sameeyay ayuu Cadaani, ku tilmaamay mid mid weli ku xidhan qadarka ALLE SWT.

Waxaanu ku baaqay in guud ahaanba shacabka iyo dawladda Somaliland iyo waxgaradka beelahaasiba in ay ka wada shaqeeyaan sidii colaadahaasi loo soo  af-jari lahaa.  Waxaanu yidhi, “Xagga ILLAAHAY SWT ayuun bay ka xidhmi laada’ay, sidaan anigu is leeyahay.

Dad wax laga saaray in ay ka danbeeyaan waa la naadiyay in ay jiraan. Laakiin, anigu cid aan idhaahdo gacan bay ku leedahay ama hebel baa ka danbeeya garan maayo.

Waxaynu u baahan-nahay, in aynu ka wada shaqayno qaran ahaan iyo shacab ahaan-ba, sidii aanay arrintani u soo noq-noqon”.

Geesta kale Cismaan Saxardiid Cadaani, waxa uu ka hadlay  xidhiidhka shakhsi ahaaneed  ee   ka dhexeeya isaga iyo madaxweyne Muuse Biixi, maadaama oo uu  ka mid ahaa wasiirradii xukuumadii Siilaanyo ee sida weyn uga shaqeeyay ol’olihii doorashadda ee madaxweyne Biixi ku soo baxay.

Waxaanu ku jawaabay, “Xidhiidhka naga dhexeeye  aniga iyo madaxweyne Muuse Biixi, aad buu u wanaagsan yahay. Marnaba ismuu bedelin xidhiidhkayagu. Aniga iyo in kaloo ah boqolkiiba lixdameeye ku dhaw baa u soo ol’olaynay, kuna guulaysanay in aanu isaga (Muuse Biixi) soo saarno.

Waxaanan ILLAAHAY SWT ka baryayaa in uu talladda tii roon ku toosiyo. Qaranka jamhuuriyadda Somaliland ee loo igmaday-na, uu noqdo sidii uu ugu soo hal-gamay, ee uu naftiisa ugu soo hurayna, meel wacan kaga taga” ayuu yidhi Cadaani.

Dhinaca kale Cismaan Saxardiid Cadaan, waxa kaloo wax la waydiiyay  hankiisa ku jira ee ah  inuu qabto ama noqdo hogaanka xisbiga KULMIYE iyo sida ay taasi ugu suurto gelayso, maadaama aanu golaha dhexe ku jirin.

Waxaanu ku dooday in shir-weynaha soo socda ee xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE dib loo dooran doonaa, isla markaana uu shirkaasi kadib rejaynayo in uu golaha dhexe ee KULMIYE ka mi noqdo.

Cadaani, oo marka hore ka hadlaya sida uu u arko xaaladda xsibiga KULMIYE ee xiligan, waxa uu yidhi, “Xaaladda xisbiga KULMIYE ee xiligan caadi baan u arkaa. Anigu golihiisa dhexe kuma jiro, laakiin xisbiga xubin baan ka ahay. Mar aan golihiisa dhexe ku jirayna way jirtay, mar aan xisbiga ka mid ahaana way jirtay.

Waxaa la filayaa in xisbiga hogaan cusub loo doorto, kaaderiyiinta iyo xubnaha xisbigu-na ciday soo saarayaan way ka wadahadlayaan.

Golaha dhexe dib baa loo dooranayaa, marka shir-weynuhu yimaado, oo gele dhexe oo cusub ayaa loo dooranayaa. Waxaanan ku tello jiraa, in aan golahaa dhexe ee la dooran doono ka mid noqdo”.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply