Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diray Warbaahinta Qaranka

0
510

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna afhayeenka Xukuumadda Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa Hambalyo u diray guud ahaan Warbaahinta qaranka Sida ta dawliga ah iyo ta madaxa bannaan doorkii mugga lahaa ee ay ka qaateen Munaasibadihii qaran ee 18 May iyo Ciidul Fidrigii iyo Kaalinta ay kaga Jiraan Wacyigelinta Xannuunka Covid19.

Wasiirka oo u Waramayay Wakaaladda Wararka Somaliland ee Solna ayaa ku amaanay Warbaahinta Dalka sidii wanaagsanayd ee ay u tebiyeen Xuskii Munaasibadii qaran ee 29 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax bannaanidda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May iyo Weliba Munaasibadii Ciidul fidri oo sannadkan ka duwanayd sidii loo xusi jiray Maadaama lagu hawlan yahay Xakamaynta Xannuunka Coronavirus isla markaana ay si wanaagsan u dabaqeen Xeerarka Iyo Siyaasada qaranka ee ku wajahan ka hortagga iyo xakamaynta xanuunkaas.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore Waxaa kale oo uu hambalyo u diray dhamaanba Ciidamada amaanka Somaliland kaalintii mugga lahayd ee ay ka qaateen sugida amaanka maalmihii Ciida.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelintu waxa uu sheegay in Wasaaradda Warfaafintu iyadoo ka duulaysa sidii ay bulshada u gaadhsiin lahayd fariimaha wacyigelineed ee xannuunka Covid19 ay Suuqyada waaweyn ee Caasimadda Hargaysa ay ku xidhay Cod baahiyeyaal shacabka ku dhiirigelinaya inay qaataan Tilmaamaha caafimaad ee lagaga badbaadi karo aafada xannuunka Coronavirus.

Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ka dalbaday guud ahaan warbaahinta dalka in aanay ka daalin ee ay sii wadaan wacyigelinta la xidhiidha xannuunka Covid19 si bulshada looga badbaaadiyo.

Waxa uu gabo gabadii wasiirku ku amaanay Warbaahinta dalka sida ay u shaqeeyaan Maalmaha Xuska qaran ee umadda fasaxa ka tahay shaqooyinkooda isagoo u rajeeyay guul iyo badhaadhe.

Leave a Reply