Faaliyaha Iyo Warkiisa Maqanaha!

0
452

Nin ayaa maalin u tegay  faaliye, makaasi ayuu ku yidhi waxaan doonaya inaad mustaqbalkayga wax iiga sheegto ? Faaliyihi ayaa ku yidhi “ Waxaad bixin doontaa 40 Dirham, ka hor inta aanan kaaga waramin mustaqbalkaaga”.

 

Ninkii ayaa ku yidhi “ Iska dhaaf, waxba garanmayside, haddii aad wax garanayso waxaad ogaan lahayd inay jeebadayda ku jirto 20 Dirham keliya, si aan markiiba kuu siiyo.

 

Waxa kale oo la sheegay in Nin aad u jecel raashinka uu soo maray goob rag badani raashin ku cunayaan kuwaasi oo uu  garanayay,  iygauna waxay garanayay inuu yahay ninkii circa weynaa ee aan cuntada loogu iman jirin.

 

Markiiba wuxu weydiiyay Rashinka ay cunayaan? Waxaana ay ugu jawaabeen waa raashin sumaysan ee iska dhaaf adigu yaanad ku dhimane !. Laakiin intuu dhinaca kaga bilaabay ayuu ku yidhi “ Waan idinla cunayaa, noloshuba qiimo ma leh idinka dabadiin, waa in aan is raacnaa.” 

Leave a Reply