Dhakhtarka: “ Ma Buktide, Naftaada Qanci”

0
552

Nin ayaa markii uu xanuunsaday go’aansaday inuu goob caafimaad tago, markii uu  dhakhtarka goobta u sheegay inuu buko ayuu bilaabay dhakhtarku inuu baadho.

Waxa kale oo uu weydiiyay su’aalo badan si uu ogaado cabashadiisa  nooca iyo astaamaha xanuunka uu ka cabanayo.

Dhakhtarka ayaa baadhitaanka ka dib isku qanciyay inuu ninkani hayo xanuun nafsaani ah oo shaki ka dhashay, oo uu aaminay inuu buko, laakiin aanu jirin xanuun jidhkiisa hayaa.

 

Waxaana Dhakhtarku ku yidhi Bukaanka: ”Baadhitaanadii aan kaa qaaday wax xanuun ah may soo saarin, jawaabihii weydiimaha ee aad ii sheegtayna la mid ayay ahaayeen, sidaas darteed waxa ii cadaatay in aanad xanuunsayn, waana aad bogsan doontaa, laakiin waxaan kugula talinayaa inaad naftaada ka dhaadhiciso oo aamintid in aanad bukin oo aanad xanuun qabin”.

“Ninkii bukay ayaa yidhi waa hagaag Dhakhtar waan yeelayaa sidaasi”  Markii uu kacay isagoo qolka ka sii baxaya ayuu haddana dhakhtarku u yeedhay  oo ku yidhi “ Lacagtii baadhitaanka maad bixin”!.

Ninkii Bukaanka ahaa ayaa isna ku jawaabay “ Dhakhtarow adiguna iska dhaadhici oo aamin in aan lacagtii ku siiyay”.   Haa , waa sidaasi,!

Sidee ayay kuugu muuqataa qaabka Dhakhtarku bukaan socodkan u qanciyay ? Jawaabta bukaankuse sax ma tahay mar haddii adeeg loo qabtay inuu iska bixiyo lacagta baadhista?

Leave a Reply