Maclinka Iyo Ardayga Maskaxda Furan!

0
690

Macalinka ayaa ardayda ka qaaday imtixaan maadada Sawirka ah , isagoo mid kasta faray inuu sawiro Geed ay ku taagan yihiin dhowr shimbirood. Wakhtiga uu siiyay ayaa ahaa muddo shan daqiiqo ah.

Markii ay dhamaadeen shantii daqiiqo ayuu sacabka tumay oo ku yidhi ” joojiya waraaqahana soo ururiya” . Markii uu saxayay ayuu arkay arday aan ku sawirin geedka wax shimbiro ah oo ku taagan, markaasi ayuu soo kiciyay oo weydiiyay sababta uu ugu sawiri waayay shimbiraha?

Ardayga ayaa isagoo ilka cadaynaya ku yidhi “ Macalin markii aad sacabka garaacaday ayay duuleen “!

Macalinkii aya aad ugu helay ardaygii maskax furnaantiisa cajiibka oo mar kale sacabka u tumay.

Leave a Reply