Somaliland – Shuruudo Adag oo lagu xidhay Gelitaanka Imtixaanka Shahaadiga Ah

0
744

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliand iyo maamulayaasha dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa ka heshiiyay habka loo qaadi doono imtixaanka shahaadiga ah, iyada oo laga duulayo saameynta xannuunka covid-19.

Gudoomiyaha xafiiska imtixaanadka Qaranka mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa ayaa madasha ka akhriyay go’aamada la isla qaatay ee ku wajahnaa sidii imtixaanadu ay u qabsoomi lahayeen inta lagu guda jiro xaalada xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Waxaanu sigaara isu dul taagay qodobada ugu mihiimsan heshiiskani, oo ah shuruudaha ku xidhan ardayda loo qiimeynayo iyo kuwa imtixaanadka u fadhiisanaya, isaga oo farta ku fiiqay in arayda iyo waalidiintu soo bixiyaan mushaharka macalimiinta dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Gudoomiyaha xafiiska imtixaanadka Qaranka mudane Daa’uud Axmed Faarax waxaa uu mid mid isu dultaagay nuxurka qodobada lagu heshiiyey iyo shuruudaha ku xidhan in ardaygu imtixaanka u fadhiisto waxaanu yidhi “Wasaaradda waxbarashadu waxaa ay go’aan ku gaadhay in ardaydii in imtixaankii ardayda laga qaadi jiray loogu baddelo qiimeyn, taasi oo noqoneysa tii ardaydu fasal ilaa fasal isaga gudbayeen, qiimeyntuna waxaa ay ansaxaysa marku ardaygu buuxiyo shuruudahan hoos ku xusan.

1 In ardaygu dhiganayay dugsiga sanadkii u danbeeyay, 2 Inuu boqolkiiba shan iyo sagaashan qaatay xiisadihii dugsiga ka baxayay, 3 In uu soo gudbiyay buugagii uu wax ka akhrisanaayay ee la siiyay iyo mushaharkii macalimiinta, 3 In si gaara loo eegi doono ardayda danyarta ah, 4 Dugsiyadu waa in xogta ku soo gudbiyaan inta u dhaxeysa 1-da-June, ilaa 15-ka-June, 6 Waxaa waaliidka iyo ardayda la faraya in mushaharka lagu bixinayo Zaad iyo E-dahab iyo Acount-ka dugsiyadda, waxaa reeban in waaliidkii oo fara badan ama ardaydii oo leh waxaa aanu bixineyna mushaharkii inay meesha yimaadaan

“Wasaaraddu waxaa ay qiimeyn joogta ah ku sameyn doonta fulinta qodobada sare ku xusan, ujeedada aynu ka leenahayna waxaa ay tahay in ilmaheenii caafimaadkiisi, tacliintiisi sidii xeegana xeego ku noqon laheyd, ilkana ay ku nabadgeli lahaayeen”Ayuu yidhi gudoomiyaha xafiiska imtixaanadka Qaranka mudane Daa’uud Axmed Faarax

Leave a Reply