Rabshado ka dhashay dilka nin madow ahaa oo weli ka socda Minnesota

0
518

Wali waxaa gobolka Minnesota ka soconaya mudaaharaad ay wadaan dad careysan oo ku baaqaya in xabsiga loo taxaabo askartii mas’uulka ka aheyd dilka George Floyd oo Isniintii gacanta bileyska ku geeriyooday.

Bannaanbaxa oo markii hore ku koobnaa Minneapolis ayaa hadda kusii fidaya magaalooyinka kale ee gobolka.

Shir-jaraa’id oo ay xalay hey’adaha ammaanku qabteen ayey ku sheegeen inay wali baaris wadaan, mana aanay sheegin goorta ay soo xirayaan askartii dilkaasi ku lugta laheyd.

Dhinaca kale, dibad-baxyo rabshado wata oo habeen kahor Minneapolis ka dhacay ayaa lagu boobay laguna burburiyay hanti guud iyo mid gaar ahba. Goobaha la bililiqeystay waxaa kamid ah ganasi ay leeyihiin dad Soomaali ah.

Leave a Reply