Maxa ka jira in Somaliland Wada Hadal Hoose la wado Soomaaliya ?

0
140

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa beeniyey war sheegayey in wada-hadallo hoose u socdaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Wasiir Koore oo ah Afhayeenka Xukuumaddu waxa uu caddeeyey in Soomaaliya ay hore u jabisay dhammaan heshiisyadii lagu gaadhay shirarkii hore. Waxaanu tilmaamay in sida kaliya ee ay kula hadli karaan Soomaaliya ay tahay fagaare caalamiya.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo u warramay laanta afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in aanay Dawladda Muqdisho u fuli doonin iskudayada ay ku doonayso inay ku farogeliso JSL, waxaanu xusay in ummadda reer Somalilan ay yihiin kuwo qaranimadooda ku adag.

 

Wasiir Saleebaan waxa kaloo uu intaas ku daray in Xukuumadda Somaliland ay indho dheer kula socoto galaangalka ay Dawladda Farmaajo ku doonayso inay ashkhaas u adeegsato Somaliland kuwaasi oo ka taageera Saxaafadda iyo baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here