Weftigii Nabadeynta Ceel-afweyn oo lagu soo dhaweeyey deegaanka Bixin

0
472

Bixi(Dawan)-Gudiddii Nabadaynta shaqaaqada Deegaanka Fadhi-gaab ee Gobolka Sanaag oo muddo ku sugnaa Degmada Ceel Afweyn ayaa shalay gaadhay Tuulada Bixin, oo dhacda Waqooyiga degmada Ceelafweyn.

Weftigani oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxa halkaasi kusoo dhaweeyey Bulshada ku dhaqan deegaanka Bixin oo ku qaabilay caleemo qoyan iyo dareen farxadeed.
Kaddib soo dhaweynta weftiga, munaasibad lagu qabtay halkaasi waxa ugu horeyn ka hadlay Cuqaasha, waxgaradka iyo dhalinyarada tuuladaasi, waxaanay weftiga uga warameen xaalada deegaanka, iyagoo sidoo kale tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin booqashada weftigan.
Dhinaca kale, La-Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cali Maxamuud Warancade iyo Wasiirka Wasaarada Cadaalada Mustafe Maxamuud Cali oo halkaasi ka hadlay,ayaa mahadnaq balaadhan u jeediyey Bulshada magaalada Bixin sida weyn ugu soo dhaweeyey.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed Wasiir oo gebagebadii xaflada ka hadlay, ayaa isna dhankiisa mahadnaq iyo bogaadin u jeediyey dadweynaha reer Bixin, waxaanu sidoo kale balan qaaday in ay dawladdu deegaanka ka dhisayso Rug Boolis iyo Xarun Caafimaad, taasoo uu ugu bushaareeyey dadweynaha Tuulada Bixin.
Gebagebadii hadalkiisa, waxa uu Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ugu baaqay dadweyanaha Tuuladaasi in ay dhankoodana ka shaqeeyaan horumarinta, isla markaana wixii ay qabsan karaan ay qabsadaan.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply