Labaatan qof oo gudaha Somaliland ugu dhintay Cudurka Covid19

0
539

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka cudurka u dhintay ay gaadheen 20 qof, halka 18 qof oo cusub laga helay xannuunka Cornavirus 48 saacadood ee u dambeeyey.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbixintii maalinlaha ahayd la wadaagaya bulshada Reer Somaliland ayaa sheegay in dadka xannuunka laga helay oo ka kooban shan iyo toban rag ah iyo saddex dumara oo ay da’adoodu u dhaxayso 20 jir ilaa 60 jir isla markaana ay dhammaantood yihiin muwaadiniyiin u dhashay Somaliland, waxayna ku kala sugan yihiin afar iyo toban ku sugan caasimadda Hargeysa, hal qof oo ku sugan Burco iyo saddex qof ee kalenaoo ku sugan magaalada Berbera.

 

Leave a Reply