“Waxa ballan ah in aanu mar danbe Faysal isu soo sharrixin Madaxtinimada Somaliland” Guddoomiye Baashe

0
437

Hargeys-(Dawan)-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda JSL Baashe Maxamed Faarax ayaa ka jawaabay hadalo dhawaan ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in hadalka Guddoomiye Faysal Cali Waraabe aanu meesha qaban loona dulqaadan karin gefna uu ku yahay bulshada ku dhaqan deegaannada Bariga Somaliland.

Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu sheegay inuu ku fadhiyo kursiga saddexaad ee Qaranka, waxaanu tilmaamay in Faysal ku hadlay hadalo xanaf leh oo kala fogayn kara bulshada Somaliland wadda dega taasina ayna ahayn mid munaasib ah oo cuntanta ummada Somaliland.

waxa kale, oo uu guddoomiye Baashe, sheegay in  marka uu goluhu furmo ay guddoomiye Faysal sharciga la tiigsan doonaan, isaga oo intaas ku daray in aan loo dulqaadan karin kala qaybinta uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe bulshada ka dhex abuurayo, wuxuuna guddoomiye Baashe xusay in doorashadu dalka oo dhan ka dhacayso isla markaana aanay jirin cid ka soo horjeedsan kartaa.

Leave a Reply