Maayarka Burco Oo Shirkaddo Ganacsi Ku tilmaamay Xisbiyadda Mucaaradka

0
831

Burco (Dawan): Maayarka magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa ku dhaliilay hogaanka labadda xisbi mucaarad ee Somaliland in ay ka gaabiyeen kaalintoodii mucaaradnimo ee toosinta xukuumadda.

Balse ay taa bedelkeedda noqdeen kuwo u adeega cadowga Somaliland, isla markaana aanay kala garanaynin mucaaradadda iyo ilaalinta qaran-nimadda dalka.

Waxaanu ku tilmaamay labadda xisbi mucaarad ee  UCID iyo Waddani in ay noqdeen sidii laba shirkadood oo gaar loo leeyahay, iyadoo madaxdoodu ay ku kacaan tallaabooyin kala fogaynaya dadka reer Somaliland.

Geesta kale maayarka Burco waxa uu walaac ka muujiyay caabuqa Coronavirus oo uu sheegay in uu aad ugu sii fidayo magaaladda dad badani-na ay u dhinteen, isla markaana aanu jirin qalabka dadka  lagaga  baadho caabuqa.

Dhinaca kale maayar Maxamed Muraad,  oo manta u waramay SAHAN TV waxa  kaloo uu ka hadlay arrinta garoonka diyaaradaha Burco muddo badan xidhan, taasoo uu ku tilmaamay dhaawac iyo boog gobolka Togdheer ku taalla.

Daawo: Maayar Muraad Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

Leave a Reply