“Unbalance-ka labaad qaadhaanka koowaad anagaa bixinayna dawlad hoose ahaan”…

0
652

Laascaanood (Dawan): Maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Maxamed, ayaa sheegay in ay ka dawlad hoose ahaan bixinayaan qaybta u horaysa ee lacag baabuur Unbalance ah loogu soo iibinayo cusbitaalka guud ee Laascaanood.

Waxaanu tilmaamay in bulshadda reer Laascaanood looga baahan yahay in ay isku tashadaan, isla markaana ay ku dedaalaan sidii gobolku u heli lahaa baabuur labaad oo Unbalance ah.

Maadaama oo aanu hal baabuur oo Unbalance ahi ku filayn gobolka Sool, xaaladda adag ee lagu jiro ee  la tacaalidda caabuqa Coronvirus oo dalka ku sii faafaya awgeed.

Maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay madal ay maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanooc iyo bahda caafimaadku warbixino ku siinayeen wefti uu homaaniyo wasiirka warfaafinta Somaliland oo maanta  gaadhay magaaladda Laascaanood.

Waxaanu maarku  ku amaanay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool iyo  guddiga heer gobol  ee la tacaalida Coronvirus si wanaagsan ee ay ugu adeegaan bulshadda.

Iyadoo cusbitaalka magaaladda Laascaanood uu yahay cusbitaalka labaad ee ugu weyn Somaliland marka laga reebo ka caasimadda Hargaysa. Waxaanu yidhi, “Run ahaantii shaqo fara badan ayay bahda caafimaadka ee gobolka Sool halkan ka wadaan.

Cusbitaalka Laascaanood baaxadiisu way weyn tahay. Dalkoo dhan marka cusbitaalka guud ee caasimadda Hargaysa laga reebo, waa cusbitaalka labaad ee ugu weyn Somaliland. Hawl-maalmeedkiisa caadiga ah ayaanu bulshadda u qabtaa”.

C/casiis Taarwale, ayaa ugu baaqay dadweynaha gobolka Sool in looga baahan yahay in ay isku tashadaan si loo hello baabuur labaad oo Unbalance ah.

Waxaanu  balan qaaday in ka dawlad hoose ahaan ay iyagu bixinayaan qaadhaanka dhaqaale ee lagu soo iibinayo baabuur labaad oo Unbalance ah.

“Ugu yaraan laba gawaadhiga gar-gaarka deg deg ah (Unbalance)  ayaynu u baahan-nahay. Mid haddii ay wasiirka sii farno, oo ay dawladda ka dalbano, ka labaad inagaa la inooga baahan yahay.

Haddii aanu dawladda hoose nahay-na, qaadhaanka koowaad anagaa bixinayna. Shaqadda waan kala qaybsanaynaa, Laascaanoodeey, unbalance-yadda xabadeenii ayaa la inaga rabaa” ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

 

Leave a Reply