Shaqaaqo Dhimasho iyo Dhaawac Sababtay oo laba Beelood ku Dhexmartay Deegaanka Buuhoodle iyo Dedaalo lagu xakameynayo oo Socda

0
588

Buuhoodle  (Dawan) Hal ruux ayaa ku dhintray mid kalena waa uu ku dhaawacmay deegaanka Gocon-dhaale, oo dhinaca waqooyi kaga began degmadda Buuhoodle, kadib markii koox hubeysani  ay weerar  qaadeen, dad rayida.

Sidoo kale waxaa la sheegay in weerar rogaal celin ah  ay koox kale ku qaadeen magaalaada Buuhoodle, kuwaasi   oo ay isku hayb yihiin kuwii weerarka geystay  taas oo sida la sheegay laba qof ku dhaawacmeen.

Xiisadan oo si aada looga dayriyey ayaa dad goob joogayaal ahi waxaa ay sheegeen in laga cabsi qabo in ay meesha ka qaraxdo colaad uga sii darta xaalada hada ka jirta ee Covid-19-ka, iyada oo labadan beelood ee walaalaha ah ay dhawr jeer oo hore sidan oo kale shaqaaqo u dhexmartay.

Waxgarad ayaa ilaa shalay wada dadaalo ay ku doonayaan xakameynta labada beelood oo si aad ah u wada dega Waqooyiga degmada Buuhoodle.

Waxaana socda dedaallo lagu soo afjarayo khilaafkani oo ay ku dhex jiraan dhinacyo kala duwan oo is xilqaamay iyo waxgaradka deegaanka Buuhoodle.

Leave a Reply