Wasiirka Warfaafinta oo jawaab ka bixiyey cabasho ka soo yeedhay Telefishanada rayidka

0
379

Qore. Saleeban Kalshaale

Laascaanood(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyada Somaliland, ayaa jawaab waayeelnimo ku dheehan tahay ugu caqli-celiyey Mulkileyaasha iyo maamuleyaasha Telefishanada dalka ka shaqeeya oo ay qaarkood cabasho ka muujiyeen xaddiga kharashka ay wacyi-gelinta Covid19 Mushqaayada uga qaateen dawladda.

Md.Saleeban Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu cabashada warbaahinta ee la xidhiidha kharashka lagu siiyey wacyi-gelinta ku tilmaamay mid aanu wasiir ahaan duudsiyeyn wixii daw ah ee ay ka cabanayaan, hase ahaatee ay haboonayd intaanay u caban guddida xakamaynta cudurka ee heer qaran in ay Wasaaradda la soo xidhiidhaan.

“Saxaafadda mid dawladdeed iyo mid gaar loo leeyahayba anigaa u oday ah, waxay ahayd in marka hore ay aniga ila soo xidhiidhaan oo wixii ay ka cabanayaan aanu ka wada hadalno intaanay guddida u gudbin, oo haddii aan xal u waayo ay meesha kale u gudbaan ayey ahayd”
“haddana qolada saxaafadda waxaan odhanayaa waar aynu isu nimaadno qaranku idinkana waa idiin baahan yahay, qof kasta oo reer Somaliland ahna maanta in uu howshan wacyi-gelinta qayb ka noqdo waa loo baahan yahay” ayuu yidhi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu caqli-celiyey mulkileyaasha iyo maamuleyaasha Warbaahinta “wakhtiga dhiig-baxu jiro ee xaaladu adagtahayna Ninka ku cad-goostaa marka dambe ee laysu miyirsado ayey ku noqotaa magac daba-gala, markaa saxaafadda waxaan leeyahay odayaal waaweynbaad tihiin, qaranka wax weynbaad ka tihiin, waanad u soo shaqayseen, markaa arrintaasi waa isaga imanaynaa waana ka wada hadlaynaa wixii cabasho aad qabtaana xalbaynu u raadinaynaa”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta oo hadalka jeediyey xilli uu kormeer ku jooggo magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Hadal uu Axadii ku dhaliilay guddida guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa kiciyey dareen ah in saxaafadda madaxbanaan qoondo ka badan kharashka la siiyey loogu talogalay.

Guddida heer qaran ee ka-hortagga iyo xakamaynta Covid19 oo uu xubin ka yahay Wasiirka Warfaafintu, ayaa horaantii todobaadkan soo bandhigay qorshaha loo asteeyey kharashaadka ku baxay howlaha xakamaynta cudurka Corona Virus, qorshahaasi oo uu qayb ka yahay kharashka ku baxay arrimaha wacyi-gelintu.

Leave a Reply