Cunaqabataynta Hubka Somalia Iyo Heerarka Ay Soo Martay

0
1137

Marka Laga soo bilaabo tan iyo January 1992 waxa Golaha amaanka Qaramada midoobay ay soo saareen qaraarka tirsigiisu yahay (733)kaas oo wakhti daba furan ka mamnuucaya Somalia in lagu caawiyo,laga iibiyo,ama loo daabulo,Amma loo sii dhexmariyo dal kale nooc kasta oo hubka ah waxay taasi jawaab u ahayd xaalad murugsan,Bini aadminimo iyo dhinacyada ku dagaallamaya Somalia gudeheeda xiiligaas,oo sida laga war qabo galaaftay nafo badan.

Juun 2001 qararka tirsigiisu yahay 1356 waxa laga qaaday wax yar oo cunaqabatayntaas ka mid ah waxana loo ogolaaday Hubka fudud si loogu shaqeeyo arrimaha Nabadda iyo qaybinta gargaarka,

July 2002 qaraarka tirsigiisu yahay 1425 aya lagu cadeeyay xadka uu gaadhsiisanyahay cunaqabataynta Hubka Somalia qaraarkani wuxuu mamnuucayaa in si dadban,si toos ah,hab farsmo,Iib,hab tababar Ciidan midna aan lagu gayn Karin hub Somalia,

December 2006  qaraarka tirsigiisu yahay (1725)ayaa golaha ammaanku badh ahaan ka qaaday cunaqabatayntaas hubka waxana soo jeediyay arrintaas Dowladaha urur goboleedka (IGAD) iyo AU si farogelin militar y  loogu samaeeyo Somalia loona geeyo Ciidammo African ah oo nabad ilaalin ah iyo in la hubeeyo Ciidamo ay yeelato Dowladda ku meel gaadh ka ah ee Somalia iyo in tababar la siiyo ciidanka TFG,hase ahaatee qaraa rkani  wuxuu ogolaaday keliya Hubka ay la gelayaan Ciidamada Nabad ilaalinta loo gaynayo Somalia wuxuuna mamnuucay in hub loo gudbiyo Ciidanka xukuumaddii ku meelgaadhka ahayd TFG.

Hase ahaatee February 2007 qaraarka Tirsigiisu yahay 1744 ayaa loo ogolaaday Xukuumadda Somalia in laga qaado oo loo fasaxo hub xaddidan oo noocyada fudud si loo xoojiyo arrimaha ammaanka hubkaas oo gacanta loo gelinayo hayadaha Amniga,hubkaas oo lagu rogi doono muddo shan casho keliya ah,wixii ka danbeeya mudadaas shanta cisho ah uu xidhmayo,

November 2008 qararka tirsigiisu yahay 1844 ayay mar kale Golaha amaanku sii xoojiyeen Cunaqabatayntii hubka Somalia ka dib markii la ogaaday in dhinacyada qaar ay carqaladeeyeen kuna xadgudbeen Cunaqabatayntii hubka ee saarrayd Somalia,December 2009 ayaa golaha amaanku cunaqabatyn hubka ah ku soo rogeen (Eritrea ) sababtu waxay ahayd kooxda xidhiidhka Somalia oo ku eedaysay in Eritrea ay hub ku taakulaysay dhinacyada ku hirdamaya ee isku haya awoo haynta Somalia.

March 2013 qaraarada 2093 iyo 2111,wuxuu golaha amaanku sii xoojiyaya mar kale inaan dhinacyada Somalida loo ogolayn in noocyada hubku ay gacanta u galaan dhinacyada Somalia isku haya,hase

ahaatee waxay soo raaciyeen lifaaq fasaxaya in noocayada hubka wixii ka yar amma ku siman Gantaalaha;lidka circa,qoryaha fudud,madaficda fudud sida (Howsers and Canons)ee kaliibarkoodu yahay 12,7mm iyo noocyada Mortarka fudud ama Hoobiyaha kaliibarkoodu yahay 82mm iyo RBJ 7 (bazooka) iyo qalabka habeenkii wax lagu arko,dhaman hubka n oo xadidnaa waxay ugu ogolaadeen maadama la doonayay in xukuma dda Somalia laga saaro ku meel gaadhka oo la rajaynayay bal inay mar uun tallaabsato hase ahaatee waa lagu hungoobay dadaalkaas hubkiina waxa uu ka baxay gacanta xukuumadda.waxana uu u gacan galay qabail iyo kooxaha alshabaab.

March 2014 mar kale qaraarka tirsigisu yahay (2142) ee ka soo baxay golaha amaanka waxa uu dib u cusboonaysiiyay cunaqabataynta Hubka Somalia taas oo ku eg 25 octoobar 2014,

Oktoobar 2014,2015,2016.iyo November2017mar kasta dib ayaa golaha amaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa u sii xoojinaysay waxa kaloo bishii Nov 2019 illaa nov 2020 lagu xoojiyay in maraakiibta Shisheeye ay badda Somalia kormeer ku sameeyan si looga foojignado in dhinaca badda hub kootarabaan ah ka soo galo.sababta waxan oo cunaqabatyn ah iyo dhibta loogu wadaa waxa weeyaan xukuumadaha Somalia oo aan marnaba noqon una dhowayn xattaa tan imika joogtana ha noqotee qaar masuuliyad qaadi kara marka laga tago beenta iyo dhoob dhoobka dadka loo hadoodilayo.

Xaaladda sidan ah oo xattaa dad badan oo aan waxba galabsan siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada muqdisho iyo  magaalooyinka u dho w oo xattaa dadka lagu laayay (Balcad) loo aanaynayo inay xukuma dda  Farmaajo ka danbaysay, ayaa haddana  xukuumadda waddanka Masar oo waliged taageri jirtay xukuumaddi Siyad barre siyaasadda ay doonto ha ka lahaatee waxay hub noocyo kala duwan ah ugu deeqday xukuuma dda  taagta daran ee Somalia hubkan oo u badan noocyada fudud waa nooc aad u khatar badan gaar ahaan dilalka qorshaysan marka la eego nooca qoryaha shiishka leh (Sniper) iyo hoobiyaha 82mm oo ah ka lagu fuliyo weerarrada gaadmada ah magaalooyinka iyo sakadaha dhexdoda waxa kaloo rasaasta hoobiyaha fudud laga sameeyaa qaraxyada la soo maleego.waxa la hubaa in hubkani mari doono kuwii hore halkay mare n isla markaana dab ku sii shidayo xaaladda ka taagan Somalia.

Ugu danbayn Somaliland iyo guud ahaan waddamada geeska Afrika waxa muhiim ah in laga feejignaado khatarta ay keenayso xad gudubka ay dowladaha qaar ku samaynayaan sida Masar oo kale cunaqabatynta hubka ee Somalia saran taas oo aan wax faaiido ah u lahayn guud ahaan gobolka geeska Afrika iyo dadka Somalida ah ee masakiinta ah ee maali n kasta dhiigooda la qubayo.

Tixraac;

https://www.sipri.org/databases/embargoes/un_arms_embargoes/somalia

 

Rashiid Odowaa

Khadarsalaan@gmail.com

063-4101213

Leave a Reply