10 Nooc Oo Ragga ka mid ah Oo Ay Tahay In Aanad Nolol La Wadaagin

0
571

W/Q: C/raxmaan Hayaan

Qofka dhallinyarta ah noloshiisa labada go’aan ee ugu adagi waa inuu doorto qofkii nolosha uu la wadaagi lahaa ama guursan lahaa iyo shaqada uu ka shaqayn lahaa. Laakiin dad badani arrinta guurka muhiimad badan ma siiyaan wakhtina kuma bixiyaan. Waa inaad guursataa qofka kuugu dhow dareen ahaan, dabci ahaan, duruuf ahaan iyo heerka nolosha, qof ku barbar istaagi kara xilliga adag iyo xilliga noloshu toosan tahayba.

Gabdho, idinkoo taa madaxa ku haya bal halkan ka dhex eeg ragga ay tahay inaad iska ilaaliso oo aanad guur iyo nolol toona la wadaagin

  1. Ninka degdegga badan

waa ninka maalinta u horraysa ee uu ku arko ku odhanaya waan ku doonayaa, waan ku danaynayaa, halkeen kaa helaa, nambarkaaga ii sheeg. Dumarku inta badan ninka noocaas ah iskama caabbiyi karaan dhiirranaantiisa, balse ha ku kadsoomin, waayo ninkaasoo kale dumarka waa uu luxaa hadalkiisuna waa uu ka dhex baxaa. Balse is weydii maxay tahay ujeeddadiisu ? waa maxay sababta uu markiiba u doonayo inuu xidhiidh degdeg ah kula samaysto ee aanu wakhti u qaadanayn? Waxa suurtagal ah xataa inuu lacag kugu xod xoto haddii aad wakhtiga ku dheerayso, balse ha u dabcin iskana hubi danta uu leeyahay. Ragga noocaas oo kale ahi waxay u badan yihiin inay guurka kadib muddo yar la joogaan haweenaydaa marka ay mid, laba amma saddex kaa dhalaanna kaa tagaan. Soomaalidu waxay tidhaahdaa, Haddii Degdegsiinyo Door Dhalo Kaadsiiyana Kiish Lacaguu Dhalaa.

  1. Ninka dadka kaa qarinaya

waa nin aan doonayn inuu haba yaraatee wax ku bixiyo xidhiidhkiinna ama adigaba. Ma doonayo sidoo kale inuu barto saaxiibbadaa, qoyskiinna ama cid kale oo ku jecel ama aad isku wanaagsan tihiin. Haddii aad ka codsato inaad dibadda u wada baxdaan amma meel isku raacdaan waxa uu samaysanayaa marmarsiiyo ciiddaa ka badan, shaqadii baan ku soo dawakhay, waan mashquulsanahay, tabcaan baan ahay IWM. Waxa uu jecel yahay  inaad guriga uun joogto cuto na u samayso, galmo na kaa helo.

Haddii ay dhacdo inaad meel si kedis ah iskugu raacdaan idinkoo lammaane ku matalaya, waxay ku tahay dhib waxaanad ku garanaysaa intaa xafladda la joogo waa uu aamusnaanayaa waxaan markiiba la garanayaa inay kallifaad ku tahay.  Aad bay u murjinaysaa arrintaasi waxaanu sidaa kuugu soo diray farriin ah ma noqon karno lammaane. Waxba wakhti ha ku lumin, taa baddalkeedana raadso nin meel kasta kula mari kara, maalmaha farxaddana kula farxaya, dibadda isku raaci kartaan oo  isku kalsoon xataa haddii aad ka mansab sarrayso . waxa la yidhi “haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheelaa”

  1. Ina Hooyo

 Ninkanoo kale inaad guursato maaha, waayo waxa uu goor walba iyo goor kasta ku barbardhigayaa hooyadii. Inkasta oo ay waajib innagu tahay inaynu hooyooyinkeen ixtiraamno oo xaqeeda iska ilaalinno, haddana xaaskaaga iyo hooyadaa waxa ay kuugu kala jiraan laba kaalmood. Adiga iyo hooyadaa waxa idinka dhexeeya gaar ha idiin ahaadaan, waalidnimadii wax aad siinayso, xilliga aad booqanayso IWm. Xaaskaaguna waa lammaanihii noloshaada waxa idin dhex mara, waxa aad siinayso, iyo  noloshiinna gaarka ah maaha inay cidi ogaato hooyadaana ku dhahoo. Sidaa daraaddeed ninka noocan ahi haddii ay is yar af dhaafaan xaaskiisa amma inanta xidhiidh ka dhexeeyo waxa uu markiiba ula cararaa hooyadii amma hablahooda si uu ugu sheego. Ninka noocaas ahina kuma anfacayo.

  1. Nin bilaa qorshe ah

waa nin bilaa hiigsi ah, oo aan haba yaraatee lahayn qorshe uu noloshiisa ku horumarinayo, iska soo toose iska seexde weeyaan ka ay islaamuhu yidhaahdaan. Ninkaasoo kale yaanu ku hodin hadalkiisa macaan iyo kaftankiisu,  furfurnaanta iyo bashaashka wajigiisa ka muuqdaana yaanu god kugu ridin aanad hadhow kasoo bixi Karin. Ninkan waxa aad sii garan kartaa inta aad dibadda joogtaan ee aydaan guur iyo guriba isla gaadhin. Saddex baa rag ugu liita. Ma tashade, ma toshe, iyo ma tashiishe

 

C.raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply