Akhri — Jaamacada Hargeysa oo War cusub ka Soo saartay Qaabka ay u Qaadeyso Imtixaanka Ardayda

0
733

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta Jaamacada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in ay imtixaanka ardayda sanadkani qalinjabineysa ay, sidii caadiga aheyd u geli doonaan.

Halka ardayda sanadka labaad iyo saddexaad ku jiraana uu isna bilaabmi doono 20/6/2020, islamarkaana ay ku geli doonaan hab Online ah.

Sidoo kale jaamacadu waxaa ay sheegtay in imtixaanka ardayda sanadka koobaad iyaga dib laga soo sheegi doono qaabka uu noqonayo imtixaankoodu.

Warkan  qoraalka ah oo lagu baahiyay barta xidhiidhka internetka ee Jaamacada Hargeysa ayaa u dhignaa sidan “Imtixaanka u danbeeya ee Semester-ka ardeyda dhigata sanadka u sareeya ee Jaamacaddu waxa uu bilaabmayaa 13-ka June 2020, waxay u fadhiisan doonaan Imtixaan waraaqo ah Jaamacadda dhexdeeda.

Imtixaanka ardeyda Sanadka sadexaad iyo labaad waxa uu bilaabmi doonaa 20-ka June 2020, iyaguna waxay ku gali doonaan imtixaanka hab ama qaab ”Online” ah.

Wakhtiga iyo qaabka uu noqonayo Imtixaanka ardeyda sanadka koobaad dib ayaa laga cadayn doona

Fadlan, dhamayso wixii lagaaga baahan yahay imtixaanka ka hor.

The final exams of the semester for the senior students will be commenced on 13 June 2020. They will sit for physical exams at the University campus. The final exams of the semester for Junior and Sophomore students will be started on 20 June 2020 and the students will attend online exams. The date and nature of the Freshmen exams will be confirmed later.

Please, complete all necessary procedures before the examination.

No photo description available.
Wargelinta Jaamacada Hargeysa ee loogu fadhiisan doono imtixaanada ardayda, wax ka barata jaamacadaasi

Leave a Reply