Xidhiidhka Nolosha Wanaagsani Iyo Cilmiga!

0
518

Markabka ayaa markii  u ku soo xidhay dekedda uu ka xumaaday Isteeriinku, kabatankii iyo shaqaalaha ayaa isku deyay inay wax ka qabtaan, laakiin arintaasi waxba may ka suurtagelin.

Markii ay muddo hawshaasi wadeen ee aanay weli ku guulaysan, ayaa kabtanka oo la fadhiya mid ka mid shaqaalaha markabka arinkaasi ka wada tashanaya, nin ku soo dhowaaday waxaana uu ku yidhi “ Anigoo aad uga xun,  waxaan arkayaa in Markabku halkan taagna 10 maalmood maxaa ku dhacay ?” .

Kabatankii ayaa u jawaabay oo ku yidhi “ Haa waxa naga xun Isteerinka oo uu baahan qof hagaajiya”. Ninkii ayaa ku yidhi “ Ma u baahan tahay qof idiin hagaajiya?”. Kabtankii ayaa si aan noqod lahayn u yidhi “Dabcan Haa”.

Ninkii ayaa ku yidhi “ Anigaa idiin hagaajinaya”.   Kabtankii ayaa aad u yaabay waayo ninku ma ahayn mid ay ka muuqato aqoonta Maraakiibtu”.  Kabtanka ayaa kexeeyay oo geeyay Markabka gudihiisa iyo halkii xumayd waxaana uu ka soo eegayay meel wax yar u jirta sida uu waxa u qabanayo. Ninka ayaa jeebka kala soo baxay dube yar, isteerinka ayuu kaga dhuftay meelo kala duwan, isla markaana waa u warwareejiyay Isteerinka.

Waxaana uu meel hoose kaga xidhay bool. Intaas ka dibana waxa sheqeeyay Isteerinkii. Kabatankii ayaa aad u yabay markii u arkay in isteerinkii oo mar labaad uu sheqeeyay. Kabtankii ayaa weydiiyay sideed u hagaajisay Isteerinka , waxaana uu ninkii ku jawaabay aqoon iyo Farsamo. Kabatan ayaa u qoray Jeeg ay ku qoran tahay $ 1000, ka dibna intuu eegay jeega ayuu yidhi 10 daqiiqo oo keliya ayuu ku helay $ 1000, waa aqoonta.

Haddaba Akhriste ogow in lacagta iyo nolosha wanaagsani ay ku xidhan tahay aqoonta iyo farsamada laakiin caajiska iyo hadalka badani aanu horseedin nolosha wanaagsan. ( Kitaabka Mafaatiixu Nijaax Page 65)

 

Leave a Reply