Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa faahfaahin ka bixiyey agab caafimaad oo loo kala diray gobolada dalka, kaasoo u badan agabka difaaca jeermiska iyo nadiifiyeyaasha dareeraha.
Agabkan ayaa la gaadhsiin doonaa dhamaan xarumaha caafimaadka ee degmooyinka dalka, waxaana loogu talogalay howl-wadeenada ka shaqeeya goobahaasi in ay bukaanka ugu adeegaan.
Waxa kamida degmooyinka agabka loo dirayo kuwa hoos yimaada Gobolka Maroodi-jeex oo ugu balaadhan bulsho ahaan dalka.