Adeeg-bixin caafimaad oo la Gaadhsiiyey Deegaanka Xayira

0
521

Burco (Dawan) Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa degaanka Xayira oo ka tirsan gobolka Togdheer gaadhsiisay Daawooyin ay baahi weyn u qabeen bulshada ku dhaqan degaankaasi.

Goobtan caafimaad ee degaanka Xayira ee gobolka Togdheer oo Daawooyinkan la wareegay ayay ka adeeg qaataan 14 tuulo oo ka tirsan goboladda Togdheer iyo Saraar, waxaana ugu horeyn goobta Dawooyinkaas lagu wareejiyey ka hadlay Guddoomiyaha degaanka Xayira Maxamed Aadan Khaliif , waxaanu si weyn ugu mahadceliyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland mashaariicda ay ka fuliyeen degaanka Xayira iyo deeqdaas daawada ah ee la gaadhsiiyey .

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee degaanka Xayira ayaa iyaguna ka mahadceliyey, kuna bogaadiyey wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland deeqda Daawooyinka ah ee la gaadhsiiyey, iyaga oo tilmaamay in wasaaradda Horumarinta Caafimadka Somaliland ay wax badan ka qabatay arrimaha Caafimaadka ee degaankaasi.

Qaar kamid ah qurbajooga kasoo jeeda Degaankaasi oo iyaguna goobtaas ka hadlay ayaa uga mahadceliyey xukuumadda Somaliland mashaariicda caafimaad ee degaanadaas laga hirgeliyey iyo dawooyinka la gaadhsiiyey xarunta hooyada iyo dhalaanka ee degaankaasi Xayira.

Xigasho : SOLNA..

Leave a Reply