Nuxurka Warbixintii Wasiirka Horumarinta Caafimaadka ee Gobolada Togdheer iyo Saaxil

0
558

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horukmarinta caafimaadka Somaliland, mudane Cumar Cali Cabdillaahi, wafti uu hogaamminayay oo ka koobnaa, waaxda caafimaadka guud, waaxda horumarinta cusbitaalada, waxaada xidhiidhka dadweynaha iyo wacyigelinta, ayaa ujeedadiisu aheyd xog ogaal u noqoshada xaalada dadka ee la xidhiidha dhinaca adeegyada caafimaadka maadama lagu jiro xili uu adduunka si weyn u saameeyay xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Waxaanu wasiirku agab caafimaad iyo dawooyin gaadhsiiyay gobolada Togdheer iyo Saaxil, si adeeg bixinta caafimaad ee bulshadu u noqoto mid wanaagsan.

Iyada oo wasiirku uu cisbitaalka weyn ee magaalada Burco, iyo goobo kale oo bulshada laga siiyo adeeg bixin caafimaad uu gaadhsiiyay agabyada lagaga gaashaanto xannuunka safmareenka ah ee Covod-19.

Sidoo kale waxaa uu adeegyo caafimaad oo kala duwan gaadhsiiyay cusbitaalka guud ee magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxiil, iyo goobaha kale ee adeeg bixinta caafimaadka qalabkii ay ka wasaaradd ahaan ugu talo galleen.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda oo xubin ka ahaa gudidda heer Qaran ee ka hortaga xannuunka Covid-19, ayaa deeq raashina oo uu guddidaasi wakiil uga ahaa gaadhsiiyay qoysaska danyarta ah ee uu saameynta dhaqaale ku yeeshay xanuunka Covid-19 ee gobolada Togdheer iyo Saaxil.

Raashinkan loo qaybiyay bulshada danta yar ee uu xannuunku saameynta dhaqaale ku yeeshay, ayaa mid ay xukuumadda Somaliland uga gol leedahay sidii ay bulshadu wax u wada qabi laheyd kii wax haya iyo ka aan waxba heyni.

Gaba Gabadii

Wasiirka wasaaraddda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa kormeer xog ogaal u noqosho ah ku soo maray goobaha adeeg bixinta caafimaadka ee gobolada Togdheer iyo Saaxil, si hadhaw loo daboolo wixii baahiyo ah ee ay qabaan.

Waxaa kale oo uu wasiiro warbixino ka dhageystay guddiyada heer gobol iyo heer degmo ee gobolada Saaxil iyo Togdheer, isagoona dhanka kale la kulmay dhakhaatiirta dhanka caafimaadka uguna baaqay in ay mar walba heegan gallaan, waxaaney ku soo dhammaadeen kulamadaasi is afgarad buuxa oo dhan walba ah.

Leave a Reply