Habsami U Socodka Waxbarasho ee Jaamacadda Camuud ee Habka Online-ka

0
761

Hargeysa (Dawan) Gudoomiye ku xigeenka Wargeysyada Dawan, mudane Daahir Maxamuud Xadi, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka ay u socoto waxbarashada jaamacadda Camuud, waxaanu sheegay in ay si habsami leh oo bila turxaana ay u socoto iyada oo ardayda casharadooda loo marinayo xidhiidhka internetka ee  (Online-ka)

Daahir oo ka mida macalimiinta waaya jooga ah ee Jaamacadda Camuud ayaa caddeeyay in hanaanka casriga ah ee xidhiidhka internetka ee ‘Online-ku’ uu meesha ka saaray wal walkii ay bulshadu ka qabtay in la waayo geedi socodkii waxbarasho ee Jamaacaddaha iyo dugsiyada dalka.

Sidoo kale waxaa uu xusay in ardayda lagu kor joogteeyo qaabka ay u dadaalayaan ee ay casharada sida maalin laha ay u qadanayaan ay uga faa’ideystaan, isaga oo tilmaamay in la siiyo talooyin iyo waano, islamarkaana ay diraal  ku helaan xogaha baadhitaan ee loo diro ka soo shaqeyntooda.

Gudoomiye ku xigeenka Wargeysyada Dawan, mudane Daahir Maxamuud Xadi  ugu horeyn waxaa uu si qoto dheer uga waramay habka ay u socoto waxbarashada ardayda jaamacada Camuud “Waxbarashada Jaamacadda Camuud waxaa ay ku socota hab maqal iyo muuqaala (Online), ee isbadelka xagga farsamada Koonbiyuutaradda iyo  IT-ga si fiican ula socdaan.

Iyada oo waxbarashada dugsiyada hoose dhexe iyo sare ku habbooneyd loo qaatay waxbarashadoodii, iyaga oo kala socda Tv-yada iyo Idaacadda, Jaamacadaha waddanka oo dhammina waxaa ay waxbarashadooda ku qaataan habka Online-ka, iyaga oo la jaanqaadaya jaamacaddaha waddamada Mareykanka, Jarmalka, Maleysiya iyo dalalka horumaray, marka waxaa ay jaamacadda Jamuud kuwada waxbarashadii ardayda hab maqal iyo muuqaala dhammaan saddex iyo tobanka laamood ee Jaamacadu ka kooban tahay, iyada oo waaxda caafimaadkuna kaalin mihiima ka qaadato la dagaalanka xannuunka safmareenka ah ee Covid19, waxaaney macalimiintu mar walba ku dadaalaan sidii ardayda ay aqoonta ugu gudbin lahaayeen hab duubitaan, hab qoraalba, arday kastana in uu helo casharadiisi oo dhammeystiran, islamarkaana uu helo weydiimaha xogaha dheeraadka ah ee ardayga laga doonayo inuu soo baadho”

Daahir oo ka mida macalimiinta waaya jooga ah ee Jaamacadda Camuud ayaa caddeeyay in hanaanka casriga ah ee xidhiidhka internetka ee ‘Online-ku’ uu meesha ka saaray wal walkii ay bulshadu ka qabtay in la waayo geedi socodkii waxbarasho ee Jamaacaddaha iyo dugsiyada dalka.

“Habkan maqalka iyo muuqaalka Online-ka ahi waxaa ay dejisay welwelkii laga qabay markii hore in la waayo waxbarashada Jaamacaddaha oo dhan, kala fogaada, fasalkiiba 20 arday ha fadhiistan waxaasi oo dhan ayaa lagaga reystay, waxaaney kaliya boqolkiiba labaatan ka hooseysa waxbarashadii foolka foolka aheyd ee ay ardayga iyo macalinku si toosa isu soo hor fadhiisanayeen”

“Waligeed ayaa wax la baran jiray anigu waxaan ka mid ahaa dadkii wax ku soo bartay Lafoole qofkii wax isbara uunba wax barta, marka marka lagu siiyo wakhti badan oo furaaqo ah oo aad wax ku akhrisan kartio, wax ku daawan karto wax ku baran karto jaanis fiican ayuu heystaa, ninkii qoraa noqonayaa qoraa ayuu noqon karaa, marka qofkii dadaala ayaa soo baxa gaadhana damaciisa shahaadada waala wada qaata, balse waxaa ay noqoneysa in uu ardaygii qaato shahaado hoos dhaban iyo shahaado kor dhabban oo dhammeystiran”Ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka Wargeysyada Dawan, mudane Daahir Maxamuud Xadi.

Sawirka Jaamacada Camuud ee magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal
Sawirka gudoomiye ku xigeenka Wargeysyada Dawan, mudane Daahir Maxamuud Xadi/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply