Agaasimihi Hore ee Ganacsiga oo ka Hadlay Doorka Aqoon-yahanka Dalka uga Bannaan ka Wacyigelinta Bulshada Covid-19

0
519

Hargeysa (Dawan) Agaasimihii hore ee wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland, Cabdirashiid Axmed Guuleed ayaa ka hadlay in ay bannaan tahay doorkii aqoon yahanka dalku ku lahaayeen  ka wacyigelinta bulshada xannuunka safmarka ah ee  Koofidh-19.

Sidoo kale waxaa uu bulshada ugu baaqay in kaliya la qaato tallooyinka iyo fariimaha wacyigelineed ee wasaaradda horumarinta caafimaadka.

Dhanka kale waxaa uu guddida heer Qaran ee Covid-19 ka difaacay eedaymo ay uga yimid afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo xughayaha xisbigaasi.

Agaasimihii hore ee wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Cabdirashiid Axmed Guuleed isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Dhammaan aqoon yahanada Somaliland marka aad bulshadeena eegto maanta Somaliland waxaa lagu qiyaasa afar milyan, boqolkiiba lixdan iyo shan waa aqoon yahan, waxaan leeyahay aqoon yahanow maanta kaalintiini ayaa maqan, xannuunkani ka hortag kaliya ayuu maanta u baahan yahay kaalintiini waa mid ay bulshadu tabeyso, idinka ayaa la idiin baahan yahay, idinka ayaa ah kuwa shacabka ka hor joogsan karra dhibaatada jirta waxna u sheegi kara marka aad dooneysaan in bulshada aad wax u sheegtaan, marka hore adigu in naftaada aad wax u sheegto oo aad bedesho, oo aad qadato Af-saabka, Gacmo-gashiga, islamarkaana aad falaxato, marka waxaan leeyahay aqoon yahanku si weyn hawga qayb  qaataan la tacalista loogu jiro xannuunka safmareenka ah ee Covid-19”

Dhanka kale waxaa uu guddida heer Qaran ee Covid-19 ka difaacay eedaymo ay uga yimid afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo xughayaha xisbigaasi waxaanu yidhi “Afhayeenka iyo xughaha xisbiga WADDANI oo bulshada u dharaarumeeya, Habar dugaag ayaa shiray waxaa ay is  weydiiyeen ‘Sidee xoolaha loo qala?’ Waraabe ayaa yidhi anaa garanaya oo reer xoola qalanaya arko meeshii ay soo gaadhanba waa ay goynayeen, marka waraabe waa ma hubsade, marka waxaan leeyahay labadaasi nin ee yidhi guddida heer Qaran ee Covid-19 waa ay ku fashilmeen hawshii ay Qaranka u hayeen, waxaan leeyahay waar hubsiimo sameeya yaan waxuun la idiin soo dhiibine”

Agaasimihii hore ee wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Cabdirashiid Axmed Guuleed isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi  “Marka abaari jirto ama colaadi jirto lama cadaloolo, waxaan leeyahay ‘Maax hey joogo’ maanta dhalinyarooyo hal yool ayaynu leenahay, Yoolkeenuna waxaa weeyi in bulshadeena ka difaacno xannuunka Covid-19, ee maaha xiligii baaq shacab la isugu imanlaha”

Leave a Reply